Xildhibaan Qabille oo soo saaray Maansada Silsilad ka dhan ah Xukuumadda Siilaanyo

(Dundumo Maydh).. Maansadan la magac baxdey (Dundumo Maydh) oo uu curiyay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, Caawa oo ay taariikhdu tahey.

Xildhibaan-qabile

28/01/2014. Waxay daba socotaa silsiladii Garbadiir ee uu bilaabey Abwaan Axmed awgeedi ee sida qotoda dheer uga warameysey wacyiga jira, iyo marxalada adage e dalku marayo. Xildhibaanku wuxuu ku bilaabey sidatan:-

1.    dedan maahee daalacan,

2.     geedi wuxuu u duurxuley

3.    deeley u halabsadey,

4.     nabar doogtu furantoo

5.    damqashiyo xanuunba leh,

6.     cidi kuma duduucine

7.     dareen buuxsamaa jira,

8.    waqtigaa u direy hawl

9.    dadku uu ubaahnaa,

10.  duufaanadii carab

11. ku dirqiyey waxyeelada

12. tuuniisiya wixii durey

13. masar daadkii wadagaley

14. liibiya ku daadegay

15. dabridkeedii yamaniyo

16. suuriya wixii degay

17. dakharadaa xasuutale

18. waxa didiyey waa cadho

19. dabuub horaa waxey tidhi

20. foodsaar daleysnaa

21. dabasaarkii loo celi

22. dulucdeedu waxay tahey

23. sharcigoo la daahiyo

24. xeerarkoo la daba marey

25. waxaan doono aan falo

26. ruuxna yuu i dabagelin

27. sidaa waxa daliishadey

28. nin dookhiisa sahansadey

29. waa dirkii nabruudiyo

30. fircoon dala’asigiisii

31. dushuunbaa la taabtee

32. wali looma daadegin

33. waxa daafta kale yaal

34. dilaal iyo malaaliyo

35. dibjiradu alooseen

36. himiladii dadku lahaa

37. danabadu ku le’edeen

38. duunyadeena loo hurey

39. duubyadu ku laabmeen

40. badhna aakhiro u degay

41. dib inaan u celiyaa

42. dariiqyga maahee

43. dibindaabyo kale iyo

44. cadawgaan mar hore direy

45. inaan daawo lala gelin

46. marlabaadna lay dagin

47. dawgaynu hayno

48. daliilkiisa yaa saxey

49. maxaa ii damaanada ,

50. afartaa daleeyaye

51. waxa aan ku darayaa.

52. dalka oo bukoodoo

53. cid dabiibta loo helin

54. eebaha deeqda bixiyiyo

55. daa’inkaan ka magangaley

56.  su’aal baana daba taal

57. Xumaan daafaceediyo

58. Digarogoshodeedii?

59. abwaanadaan u dirayaa

60. iney doorkan keenaan

61. deelqaaf anoon ridin

62. waxan taa ku sii darey

63. d’a yartii dareertee

64. saxaraha ku dabar go’ay

65. ama raacey doonyaha

66. badahaa ku daakiyey

67. hilibkooda darabta ah

68. bahaluhu daldalayeen

69. ka dibirey libaaxiyo

70. kaluunkoo is daba galey

71. damanuhu ma moogyahey

72. dugayeeyda yeedhiyo

73. baroortaan mar qudha damin

74. ma damqadey ma jiidh naxey

75. dad ma dhaqe ma moogyahey

76. waxa didiyey maatada

77. waxa debad baxoodiyo

78. dabeyl raaca ugu wacan

79. waa su’aal deldelanoo

80. abwaanadaan u dirayaa

81. iney doorkan keenaan

82. afartaa daleeyaye

83. waxa aan ku degayaa

84. tu kaloo ka sii daran

85. cadligii dushu’u baxey

86. garsoorkaa dayaxa korey

87. xaqiibaa la dacal marey

88. sinaan laga dibooyoo

89. dadku wada jirkii lumi

90. dirsoociyo waswaasiyo

91. qabiilbaa darka u galey

92. samihiina laga durug

93. nin danlaa ka taajiray

94. ma durbaano khaliyaan

95. deymada ku dhowraa

96. ma dudada banaanbaan

97. ku dugaashadaa khalad

98. duurka waxan u galayiyo

99. meeday dawladnimadii

100.           waa su’aal deldelanoo

101.           abwaanadaan u dirayaa

102.           dawadeedu waxey tahey

103.           iney doorkan keenaan

104.           afartaa daleeyaye

105.           wax aanku darayaa

106.           wali daalaleeydiyo

107.           danta aan ka leeyahey

108.           dabnaheygu mey furin

109.           diihaalka gaajada

110.           duruufaha adkaadiyo

111.           danyaraha saboolka

112.           daryeel li’ida haysiyo

113.           dacartiyo dhibtuu qabo

114.           nin dibirey ka xoogsadey

115.           tiiyoo diifi haysoo

116.           boqolaal dabloo shidin

117.           cashuur lagu dalacayiyo

118.           xisaabaha dul socodka’ah

119.           dakhli laga uruursado

120.           waxa loogu sii darey

121.           nimcaa dedan dhulkeeniyo

122.           kibir laga dul heesaa

123.           cid u diirnaxaysoo

124.           debecseni ku eegtoo

125.           u damqada ma leeyiin

126.           waa su’aal deldelanoo

127.           abwaanadaan u dirayaa

128.           iney doorkan keenaan

129.           Axmedoow dundumo maydh

130.           docna uma dhaqaaqee

131.           waxaan doonisteedii

132.           u dabaal-degaayiyo

133.           waxan diidanee jira

134.           inaan laba u kala deyo

135.           diirka aan ka qaadee

136.           dabayaaqadii mey

137.           duhur laysu wada jiro

138.           goosashadan dabka u ridey

139.           go’aankii dadweynee

140.           distoorkeena lagu dhigey

141.           dedaalkaan ku goostiyo

142.           ninka dood ka celiyaa

143.           danbi qaran inuu galey

144.           dadwaynaa u markhaatiya

145.           carab dalable laba jeer

146.           ninka ila dul joogoow

147.           dumadaada weeyaan

148.           waqtiyaa is daba marey

149.           dabinaa ku hoos xidhan

150.           miinaan dulmarayaa

151.           doonibaa badweyn jaban

152.           mawjadaa dalacayoo

153.           ku dib jirey horseedkii

154.           dalcadaa la galey adag

155.           jarbaa lagu dul joogaa

156.           fikir laga dambariyiyo

157.           hadaan taladu dabar helin

158.           go’aan loo degdegiyo

159.           runta doobir laga dhigan

160.           door-roone loo xuley

161.           aanu diirada u qaban

162.           daba gala wixii lumey

163.           dawga laga habaabiyo

164.           ku dabaala xeerkii

165.           daacadnimo ku maamula

166.           rajo daadegeysiyo

167.           darayiyo dhib mooyee

168.           wax is doorsha lama filo