Wasaaradda Waxbarashada oo ka hadashay in la Mideynayo Manaahijta Somaliland Iyo Soomaaliya

Hargeysa(Aftahannews):- Wasaaradda Waxbashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa ka hadashay war sheegaya inay dalka Keniya kaga qaybgaleen shir lagu midaynayo Manhajyada Waxbarashada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay warkaas Masuuliyiinta Wasaaraddu ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin oo been ah.

wasiirka-waxbarashada-224x200

Waxa ay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland uga qaybgalay shirkaas ay sheegeen inuu ahaa shir lagaga doodayay arrimaha waxbarashada, waxaanay sheegeen in aanay midoobi karin Manhajyada Somaliland iyo Soomaaliya, maaddaama oo ay laba dal kala yihiin.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Xasan Ibraahin oo ugu horayntii warbaahinta la hadlay waxa uu yidhi; “Shirkani waxa uu ahaa shir bile ah oo lagaga hadlo halka ay marayso isku duwida tacliinta Somaliland maadaama oo ay haayado badani Somaliland kala shaqeeyaan waxbarashada, waa la shiraa oo waxa lays waydiiyaa waxa u qabsoomay iyo sidii loogu talo galay ma u dhaceen.”

Cali Salaan Jire (Shoombe) oo ah Sarkaal ka tirsan wasaarada waxbarashada oo shirkaas ka qaybgalay ayaa isagoo saxaafadda la hadlaya wuxuu isaguna yidhi; “Waxa lagaga hadlaayay muxuu u baahan yahay ee xirfado ah inanka fasalka saddexaad ee dugsiga sare marayaa, anaguna waxaanu ku doonaynay inanka Somaliland kaga soo baxo fasalka saddexaad inuu la fadhiisan karo ardayga Maraykanka isla fasalkaas ka dhigta dhanka xisaabaadka.”

“Waxaanan meesha ka cadaynay qodabada lagu kala duwanaan karo, oo ay ka mid tahay cilmiga bulshada oo inagu waxaynu ka hadalnaa taariikhda halganka dalka loo soo maray iyaguna wanaagii Maxmamed Siyaad Bare markaas isku taariikhba ma nihin.” ayuu yidhi Cali-Shoombe.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo arrinkan ka hadashay, ayaa sheegay inay ku dedaaleen inay si weyn u kala soocaan waxyaabo hore la isugu qaldi jiray.

“Waxaannu illaa xad ka gaadhnay oo aanu magacyadii lagu soo qori jiray aanu ka badalnay maadaama oo ay laba wadan yihiin, ilmaha Somaliland wax ku barta ay taariikhdiisu gooni u tahay,ma doonayno in ilmahaa Somaliland ka soo baxo wax taariikhdiisa ku jiraana ka maqnaato waxaan daarikhdiisa ka mid ahayna uu barto.” sidaa ayay tidhi Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.