“Madaxweyne Siilaanyo iyo Md. Daahir ayaa ka Mid Ah Ardaydii Camuud..” Professor Saleebaan

Waa qaybtii Shanaad oo gunaanad u ah  wareysigii taariikhiga ahaa ee aynu la yeelannay Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud. 

Prof-Saleebaanssss

Bare Sare Saleebaan Axmed Guuleed oo la weydiiyay waxa uu talo, tilmaan iyo tusaale u jeedinayo guud ahaan bahda waxbarashada ayaa isaga oo si guud ula hadlaya dhallinyarada iyo bahda aqoonta meel kasta oo ay joogaan waxa uu yidhi “Ardayda iyo macallimiintu meel kasta oo ay joogaan waxa aan u arkaa ardaydaydii, gaar ahaan kuwa Somaliland iyo kuwa kaleba. Waayo tacliintu xuduud malaha inta badan.  Allena waxa uu yidhi Ilaahay ummad ma dooriyo oo dhibka iyo waxa saran kama kor ka qaado illaa iyagu ay is-beddelaan. Dalkan qorshihiisu waxa uu ku xidhan yahay waxbarashada hanaqaadaysa oo aynu xoojinno gaar ahaan kuwa jaamacadaha iyo macallinka wax baraya dhallinyaradu in uu dedaalkiisa sii kordhiyo. Jahliga ayaa ummadda dib u dhiga, in aqoonteenne yar tahayna waxa aad ka arkaysaa in hawlihii la rabay aanay sidii saxda ahayd u wada socon, in aynu goynnay miyigii khayraadka laga soo saari jiray oo aynu magaalo isugu soo ururnay, xoolihii iyo beerihiina waa la soo cidleeyay. Markaa ummaddan is-beddelkeedu waxa uu ku xidhan yahay da’yarta oo aqoon ku gaashaamata”

Bare Sare Saleebaan Axmed Guuleed oo ugu dambayntii dardaaran u gudbinaya bahweynta Jaamacadda Camuud ee uu Guddoomiyaha ka yahay ayaa isaga oo sharxaya inay soo saareen hoggaamiyeyaal qaran, yoolkooduna hayay wanaajinta tayada aqooneed waxa uu yidhi “Ta Camuud oo aan weli joogo waxa aan leeyahay, dabcan taariikh waynu samaynnay oo Jaamacaddii ugu horreysay dalka ayaynu nahay. Halka laga sameeyay oo Camuud ahina waa dugsigii sare ee koowaad ee dalka laga furay, waa meel taariikh leh. Waxa ka soo baxay madaxweynayaal ayaa ka soo baxay tusaale ahaan Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waa lodkii koowaad ee ka baxa dugsiga sare ee Camuud, Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin isna Camuud buu ka baxay.

Wasiirro, culimo iyo inta ugu badan dadka waayo-aragga ah ee dalka joogaana waxa ay ka baxeen Camuud ama Sheekh. Bahda Camuud waxa aan leeyahay waxa aynu bilawnay barnaamij waxbarasho, uma jeedno keliya inaynu tacliin bixinno. Hadafkeennu waa inaynu soo saarno aqoon tayo leh, fekerkaasna waxa inala qaba Jaamacadaha kale ee Somaliland.. Markaa taas ayaynu ku dedaalaynnaa haddii Alle idmo”

Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo ah aqoonyahan kaalin muuqata kaga jira horumarinta waxbarashada Somaliland, kana mid ah boqolkii qof ee loo aqoonsaday Hal-door kaddib markii la sameeyay barnaamijkii qaran ee qiimee qofkaagu waxa uu mudan yahay xus, hambalyo iyo in lagu dhiirrigeliyo hawsha uu dalka iyo dadka u hayo.

Qormooyinkan taariikhiga ah waxa soo diyaariyay Akadamiga Suugaanta, Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista oo fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa. Waxa aannu mahad-naq ballaadhan u jeedinayaa bahda saxaafadda ee sida joogtada u soo tebisay dhambaalladan maamuuska ah, bulshadii ku xidhnayd akhriska farriimahan, inta nagu hambalyaysay sooyaalkan iyo cid kasta oo jecel samaha, horumarka iyo nabadda Somaliland…

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Facebook: Saeed Mohamoud Gahayr Hargeysaawi

saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa