Madaxwaynaha Puntland oo ku Dhawaqay Wasiirrada Cusub ee Xukuumaddiisa

Garowe(AftahanNews):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa galabta ku dhawaaqay Liiska Wasiirrada cusub ee Xukuumaddiisa, ka dib markii 8-dii bishan aynu ku jirno Baarlamaanka Maamulkaasi u doortay Madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee maalintaas ka bilaabanta.

Munaasibad lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Groowe, ayaa lagu shaaciyey dhawaqay Wasiirrada cusub ee Maamulka Puntland.

Golaha Wasiirrada uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland, ayaa ah 47 Wasiir, iyadoo ay ka dhex muuqdaan xubno laga yaqaan qaarkood gudaha Puntland.

Waxaa ku jira xubno ka mid ahaa musharrixiintii u tartamayay jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland ee aan ku guulaysan doorashada.

Liiska magacyada Wasiirrada oo dhammeystiran oo Soo Gaadhay AftahanNews, halkan hoose ka akhri.

994705_10153736977990627_398321773_n1606953_10153736978255627_412226490_n1653900_10153736977815627_1546106222_n

Aftahan News

Garowe/Puntland/Office