Baashe Maxamed Faarax Oo Ku Hanjabay Inuu Is-casilayo, kana cadhooday go’aanka Wakiillada

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilladu Ma Kaga Dhabayn Doonaa Hanjabaaddiisa Inuu Is-ka-casilayo Xilkiisa, Cali Yuusuf-se Maxaa U Qorshaysan?

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa ku hanjabay inuu is-casilayo, ka dib markii sida la sheegay uu si weyn uga cadhooday go’aanka Aqlabiyadda ah ee Xildhibaannada Golahaasi shalay ku ansixiyeen wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey Xeer-hoosaadka Wakiillada oo meesha ka saaraya awoodda iyo Shirguddoon-nimada labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Aqalkaas.

BAASHE IYO CALI

Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa la sheegay inuu ku hanjabay inuu iska casilayo xilka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada, ka dib markii ay Wakiilladu ansixiyeen Xeerka meesha ka saaraya awooddooda iyo xisaanaddooda Shir-guddoonnimo.

Ma jiro war rasmi ah oo uu Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilladu ku shaaciyey inuu iska casilayo Golahaas, hase-yeeshee, ila-wareedyo ka ag-dhaw oo lagu kalsoon yahay, ayaa Wargeyska Somalilandtoday u xaqiijiyey jiritaanka warkaas sheegaya in Baashe ku hanjabay inuu iska casilayo xilka iyo xubinnimada Golaha Wakiillada Somaliland.

Waxay ila-wareedyada Wargeysku soo xigtay intaa ku dareen in Baashe uu aad uga cadhooday meel-marinta kaabista iyo wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Wakiillada oo warku tibaaxay inuu u arko tallaabo uu Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ku maroorsaday awooddii Golahaas iyo tii shir-guddoon ahaan ka dhaxaysay-ba.

Inkasta oo aannu isku-daynay inaannu la xidhiidhno Guddoomiye Ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed oo iyagu shalay dibedda uga baxay fadhigii ay Xildhibaannadu ku ansixiyeen kaabista iyo wax-ka-beddelka lagu sameeyey Xeer-hoosaadka Golahaas ee awooddoodii lagu lumiyey, ayaanay haddana noo suuragelin inaannu helno, ka dib markii ay naga qaban-waayeen Taleefannadooda gacanta oo aannu xalay ka wacnay, si aannu go’aanka ay ka cadhoodeen ee awooddoodii hore lagu wiiqay wax uga weydiinno.

Lama garan karo in Baashe Maxamed Faarax kaga dhabayn doono is-casilaadda laga soo xigtay inuu ku dhaqaaqi doono, hase-yeeshee, waxa muuqata in tallaabada Aqlabiyadda Mudanayaasha Golaha Wakiilladu shalay ku ansixiyeen wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey Xeer-hoosaadka Golahaas ee meesha ka saaraya awooddii ay lahaayeen Shirguddoon ahaan, ay cirka ku sii shareertay khilaaf marka horeba u dhexeeyey labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Wakiillada oo isku dhinac ah kana soo wada jeeda Xisbil-xaakimka KULMIYE iyo Guddoomiyaha oo dhinac ahaa, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Xigasho Wargeyska Somalilandtoday.