Golaha Millateriga Masar oo Siisi u oggolaay inuu Madaxtinnimada dalkaas u tartamo

Qahira(Aftahannews):- Golaha sare ee Miltariga dalka Masar ayaa isku raacay in Taliyaha Ciidamada Masar Gen. Cabdifataax Siisii uu isku soo sharaxo tartanka doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.

D027E113-4159-4884-AC7D-C6DE7861C907_w443_r1_cy10

Gen. Siisi ayaa sidoo kale waxa uu haya xilka wasaaradda gaashaandhigga. Sida dastuurku dhigayo waa inuu horta iska casilo xilalka uu hayo kadibna uu ka qayb galo tartanka doorashada isaga oo rayid ah.

Dhinaca kalena madaxweynaha Ku meel gaarkaah ee dalka Masar Cadli Mnasuur ayaa maanta soo saaray xeer lagu dalacsiinayo General Siisi oo loo dallacsiiyay darajada Milatariga ugu sarraysa ee Marshaal.

Faahfahinta warkan ka dhegayso qaybta hoosee ee boggan. Guji dhibcda madaw horteeda.