Kooxo hubaysan Oo caawa magaalada Garoowe Ku toogtay Nabadoon

SANYO DIGITAL CAMERA

Garowe(Aftahan News) Kooxo hubaysan ayaa caawa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxa ayKu toogteen nabadoon Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan oo ahaa nabadoonda puntland 

Nabadoonka  ayaa la toogtay xilli  kasoo baxay masaajid  salaaddii maqrib nabadoonka dhintay ayaa kaalin firfircoon ku lahaa nabad gelyada Puntland, isagoo ka qaybqaatay dadaallo dhowr oo lagu xaliyay heshiisiinta beelaha Puntland.

Lama garanayo kooxaha dilkan geestay waxa ay ahayeen balse dilka kadib waxa goobta uu dilka kadhacay  iska soo buux dhaafiyay Ciidamada Amaanka ee Puntland,kuwaas oo goobta dilka uu kadhacay kabilaabay badhitaano iyadoo kooxdii dilkan geestay aan la aqoonsan isla markaana ay goobta kabaxsadeen Kooxaha dilka geeystay sida ay dad gobjogayaal ah u shegeen Aftahan News Dilkan Nabdoonka ayaa waxa uu imanya Wakhti ay wali ka socdaan magaalda garowe dabaal daga caleemo saarka madaxwaynaha cusub ee puntland wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco aftahan News

Aftahan News

Garowe/Puntland/Office