Booliska Kenya oo Markii u horreysay diiday inay xidhaan Nin qirtay inuu Al-Shabaab ka tirsan yahay

Nairobi(Aftahannews):- Ciidammada la-dagaallanka argagixisada ee dalka Kenya, ayaa sii-daayay nin qirtay in uu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Booliska Kenya

Ninkan oo lagu magacaabo Peter Wang’ondu ka soo jeeda deegaanka Nyahururu, ayaa sheegay inuu xidhiidh la leeyahay Al-shabaab, isla markaana uu ku biiray sannadkii 2006 markaas oo uu joogay wadanka Somaliya.

Sida ay qortay Jariiradda The Star ee ka soo baxda magaalada Nairobi oo uu soo Turjumay Weriyaha Aftahannews ee magaalada Nairobi, Mr. Cabdiwahaab-yare, Saraakiisha Booliska, ayaa diiday inay rumaystaan sheegashada ninkan, waxaanay tibaaxeen in aanu maskax ahaan caafimaad qabin.

“Waxay (Boolisku” ogaadeen in aanu maskax ahaan caafimaad qabin, waxaanay u qaadeen cisbitaalka Mathari oo lagu daweeyay, laguna baadhay.” ayuu yidhi Wargeyska the Star, waxaanu intaa ku daray “Boolisku waxa ay sheegeen, Wang’ondu waxa uu macalin Ingiriisida dhiga ka ahaa Somaliya, laakiin waligii kumuu biirin Al-Shabaab”.

Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska The Star ayaa sheegay in Wang’ondu uu qirsan yahay in uu tabobbarro la qaatay kooxda Al-shabaab intii uu joogay Somaliya, isla markaana uu fuliyey hawlo ururkaasi ka wadday 33 waddan, laakiin booliska ayaa ku dooday in dhamaan sheegashadaasi ay been yihiin.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.