Wiil Harraad Ugu Dhintay Duleedka Coodanle iyo Badhasaabka Togdheer oo ka hadlay – Daawo Muuqaal

BADHASAABKA GOBOLKA TOGDHEER MAXAMED IBRAAHIN QABO 2016

Oodweyne(Aftahannews):- Ugu yaraan hal Qof, ayaa Harraad ugu dhintay duleedka deegaanka Coodanle oo ka mid ah deegaannada Hoostaga gobolka Togdheer, kaas oo isagoo Geel baadi-doonaya Harraad daraaddii u naf-baxay, sida uu caddeeyey Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Qabo.

BADHASAABKA GOBOLKA TOGDHEER MAXAMED IBRAAHIN QABO 2016
BADHASAABKA GOBOLKA TOGDHEER MAXAMED IBRAAHIN QABO 2016

Guddoomiye Qabo waxa uu sidaa ku sheegay mar uu Maanta Madaxweynaha Somaliland Warbixin ka siinayey Xaaladda Abaarta iyo heerka ay ka gaadhay deegaannada gobollada Bariga iyagoo ku sugnaa markaas deegaanno ka tirsan gobolka Daad-madheed (Oodweyne) oo ay booqanayeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Subaxnimadii Axadda ee Maanta ka ambabaxay magaalada Burco oo ay xalay ku hoyden markii ay shalay ka baxeen Hargeysa ka dib.

“Madaxweyne waxa Abaarta noo raaca culays nagaga yimi dadka dibedda ka soo guuray (dadka deegaannada kale abaarta uga soo hayaamay), hadda waxa la ii soo sheegayaa Wiil yar oo 12 Jir ah oo Geel baadi doonay oo meeshaynu berri tegayno ku dhintay, Coodanle dushiisa ayuu hadda (Maanta) Harraad ugu dhintay.” Sidaa ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Qabo.

Waxaannu Guddoomiye Qabo oo markii Warka Wiilkaas Harraadka u dhintay loo soo sheegay Madaxweynaha Hortiisa kaga hadlaya Warkaas, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.