Maxkamadda Puntland oo Dil iyo Xabsi Ku Xukuntay Dhalinyaro Lagu Eedeeyey inay Daacish Ka Tirsan yihiin

GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA CIIDAMMADA PUNTLAND CABDIFATAAX 2016

Garoowe(Aftahannews):- Maxkamadda Ciidamada Puntland oo ay Xarunteedu tahay Boosaaso, ayaa Axaddii Maanta xukunno dil toogasho iyo Xabsi isugu jira ku ridday shan qof oo ku eedeysan inay ka tirsanaayeen ururka Daacish ee dagaallada kawada qaybo Puntland ka tirsan.

GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA CIIDAMMADA PUNTLAND CABDIFATAAX 2016
GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA CIIDAMMADA PUNTLAND CABDIFATAAX 2016

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Puntland, Cabdifataax Xaaji Aadan oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in eedeysanaya ay qirteen dambigii lagu soo eedeeyay, Waxaana ay Maxkamaddu laba ka mid ah eedeysanayaashan ku xukuntay dil toogasho, iyadoo labada kalena lagu xukumay xabsi daa’in.

“Maxkamaddu markay dhageysatay Xeer-ilaalinta iyo Qirashada eedeysanayaasha, waxay maxkamaddu dil toogasho ku xukuntay Axmed Aadan Cabdillaahi Aw-Cabdi oo 26-jir ah iyo Cabdullaahi Maxamed Aadan Cabdi oo 22-jir ah.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cabdifataax Xaaji.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda, ayaa intaa raaciyay in Saalax Xuseen Ibraahim Miidoow oo ah 25-jir iyo Cabdifataax Jamaal Cabdi oo 19-jir ah lagu xukumay Xabsi daa’in ama madaxaa-ha-ku-furto ah.

Cabdifataax oo ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Farxaan Cabdillaahi Faarax oo aan ahayn Qaan-gaadhin, isla markaana sharcigu aanu oggolayn in la xukumo, Xabsigana aan lagu sii hayn karin, Maxkamaddu waxay amar ku bixisay in lagu wareejiyo wasaaradda Caddaaladda Puntland, si ay dhaqan-celin ugu samayso.”

Maxamuud Cawad Cumar oo ah Qareenka u doodayay Nimankaas ay Maxkamadda Ciidamada Puntland xukuntay, ayaa Saxaafadda la hadlay, waxaanu sheegay in aanu ku qanacsanayn xukunnada Maxkamadda, isla markaana uu qaadanayo Rafcaan oo Dacwadda uu u wareejinayo Maxkamadda sare ee Puntland.

Waa markii labaad oo Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ay xukunno isugu jira dil toogasho iyo Xabsi daa’in ku Riddo eedeysanayaal la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ururka Daacish.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.