Tareen Shil ku galay Waddanka Hindiya oo ay Sababay Dhimashada iyo Dhaawaca Boqollaal Ruux

SHIL TAREEN OO KA DHACAY WADDANKA HINDIYA 2016

Kanpur(Aftahannews):- Tareen kuwa dheereeya ah ayaa ku qalibmay Waqooyiga dalka Hindia, waxaana Shilkaasi ku dhintay Dad ay tiradoodu dhaaftay Boqol Ruux, halka ay Tiro 150 Qof ka badani ku dhaawacmeen, sida ay Warbaahintu caalamku faafisay.

SHIL TAREEN OO KA DHACAY WADDANKA HINDIYA 2016
SHIL TAREEN OO KA DHACAY WADDANKA HINDIYA 2016

Tareenka, ayaa kasoo baxay magaalada Indore ee badhtamaha dalkaas, isla markaana ku sii jeeday ama u socday magaalada Patna oo ku taalla Bariga Hindiya, waxaanu khadka ka baxay Tareenkaasi mar uu marayay meel u dhaw magaalada Kanpur ee gobolka Uttar Pradesh.

Inta badan Dadka saarnaa Tareenkaas, ayaa jiifay xilliga uu shilku dhacayay oo ahayd saacadihii hore ee Subaxnimadii Axadda Maanta.

Kooxaha gurmadka ayaa ku dedaalaya sidii ay dad ku hoos jira burburka Tareenka u soo bixin ama saari lahaayeen. Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay korodho, maaddaama oo ay jiraan dad ku hoos jira burburka Tareenka.

Wasiirka Tareennada ee dawladda Federaalka Hindiya, ayaa amray in baadhitaan lagu sameeyo waxa dhaliyay Shilkaas. Dawladda dalkaas ayaa shaacisay qorshe ay ku casriyeyneyso Tareennada Waddanka.

Xigasho BBCSomali.com.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannes.com

Hargeysa/Somaliland.