“Mooshinka Ansixinta Gobollada Dadka Diiday inay u Codeeyaan Kulmiye ayey u badnaayeen..” Xil: Xasan Cawaale

XILDHIBAAN XASAN CAWAALE CAYNAAN

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaanno ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay sheegay inay Golahaas keeneen Mooshin ay ku dalbanayeen in Xukuumaddu Wakiillada u soo gudbiso Gobollada buuxiyey Shuruudaha gobolnimo ee uu magacaabay Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin.

XILDHIBAAN XASAN CAWAALE CAYNAAN
XILDHIBAAN XASAN CAWAALE CAYNAAN

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan iyo Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo ka tirsan Mudanayaasha Mooshinkaas Golaha horkeenay shalay, isla markaana ka soo wada jeeda deegaanka Gabiley, balse laga doortay gobolka Maroodi-jeex oo ay doorasho ahaan Gabiley hoos-timaaddo, ayaa ka hadlay Mooshinkaas iyo ujeeddada ay ka leeyihiin. Waxaanu Xasan Cawaale sheegay in Xildhibaannada ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye ee Golaha Wakiilladu ka codeeyeen Mooshinkaas oo ay is-hortaageen sida uu hadalka u dhigay.

XILDHIBAAN BASHIIR SHEEKH XUSEEN TUKAALE
XILDHIBAAN BASHIIR SHEEKH XUSEEN TUKAALE

“Maanta (shalay), waxaannu keennay Golaha Mooshin lagu ansixinayey gobolladii Daahir Rayaale (Madaxweynihii hore ee Somaliland) magacaabay. Mooshinkaas waxaannu u keennay in Madaxweynuhu soo gudbiyo si loo ansixiyo. Markaas Dad badan baa diiday, kuwaasina waxay u badnaayeen Kulmiye dadka diiday inay u codeeyaan, markaa, waxaannu leenahay Kulmiyoow soo hagaag.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale oo shalay Saxaafadda kula hadlay Xarunta Golohooda ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Xildhibaan Bashiir Tukaale oo isagana Mooshinkaas iyo waxay ujeeddadiisu tahay wax laga weydiiyey, waxa uu yidhi; “Maaddaama oo gobollo la magacaabay oo ay muddo dheer magacawnaayeen in la ansixiyo oo ay Xukuumaddu soo gudbiso gobolladaas kuwii shuruudaha buuxiyey, sida Dastuurka Somaliland iyo Xeerka gobollada iyo degmooyinku-ba dhigayaan inay Xukuumaddu golaha Wakiillada u soo gudbiso, waayo Goluhu ma ansixin karo haddii aanay Xukuumaddu u soo gudbin.”

“Xukuumaddu iyadaa magacawday, iyadaa u xil-saaran gobolladaas Xuduudohooda iyo mid waliba Xuduudka uu ku yeelanayo gobolkii laga dhex-magacaabay. Sidaa awgeed, in hawlahaas oo dhammaystiran Xukuumaddu soo gudbiso, ayaannu uga jeednaa Mooshinkan.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Bashiir Tukaale.

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.