Madaxweyne Donald Trump oo Malaayiin Doollar Ku Bixiyey Xal Ka Gaadhista Saddex Kiis oo loo Haysto

Madaxweyne Donald Trump Oo Malaayiin Doollar Ku Bixiyey Xal Ka Gaadhista Saddex Kiis Oo Loo Haysto

New York(Aftahannews):- Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump, ayaa oggolaaday in uu bixiyo 25 Milyan oo Doollar, si xal looga gaadho saddex kiis oo loo haysto, sida uu sheegay Xeer-ilaaliyaha guud ee New York.

Madaxweyne Donald Trump Oo Malaayiin Doollar Ku Bixiyey Xal Ka Gaadhista Saddex Kiis Oo Loo Haysto
Madaxweyne Donald Trump Oo Malaayiin Doollar Ku Bixiyey Xal Ka Gaadhista Saddex Kiis Oo Loo Haysto

Waxaa Kiisaska kusoo oogay Arday dhigan jirtay Jaamacadda Trump, kuwaasoo ku doodaya in tobannaan kun oo Doollar looga qaatay isu-diiwaangelinta Kulliyad ka tirsan Jaamacaddaas oo aan lahayn Warqadaha Aqoonsiga, sida aannu ka soo xigannay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo Warkaas baahisay Caawa.

Dacwaddan ayaa soo socotay lix sano, waxaana Madaxweyne Donald Trump uu markasta ku doodayay in aanu magdhow siin doonin Ardaydaas. Heshiiskan, ayaa meesha ka saaraya in Mr. Trump uu qirto in uu khalad galay, waxaana uu sidaa uga badbaadayaa waji-gabax uga iman lahaa xukun Maxkamadeed.

Balse, Weriyayaasha ayaa sheegaya in uu dhiirrigelin karo, in kiisas badan ay Maxkamadaha Maraykanka ka furaan dad wax u qaba Trump. Kiiskan, ayaan hadda ka hor la shaacinnin intii uu ololaha doorashada ku jiray Trump, balse waxa uu ku soo beegmayaa xilli uu ku guulaystay inuu noqdo Madaxweynaha Maraykanka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.