Maxkamadda Racfaanka Gogolka Sanaag oo Xukun Ku Ridday Gabadh Lagu Eedeeyey Sino iyo Dil

GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA RACFAANKA GOBOLKA SANAAG 2016

Ceerigaabo(Aftahannews):- Maxkamadda Racfaanka gobolka Sanaag, ayaa Sabtidii Maanta xukun ku riday hooyo Sahra Maxamed Faarax oo lagu soo eedeeyey inay ku kacday Sino iyo Dilka Wiil ay iyadu dhashay, iyadoo Maxkamaddu wax ka beddeshay Xukun hore ay Maxkamadda gobolkaasi ugu ridday oo ay Racfaan ka qaadatay Sahra.

GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA RACFAANKA GOBOLKA SANAAG 2016
GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA RACFAANKA GOBOLKA SANAAG 2016

Hoolka Maxkamadda Racfaanka gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo oo uu Xukunkaasi ka dhacay Sabtidii Maanta, waxaa goobjoog ka ahaa Ehelka Haweenayda, Qareenkii u doodayay iyo dadweyne kale. Xukunkan lagu riday Sahra waxa halkaas ka akhriyay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Cabdalle, sida uu caawa baahiyey Star Tv.

Waxaanu yidhi; “Maxkamadda Tashigu waxay denbi ku heshay, Racfaalayda Sahra Maxamed Faarax, labada denbi ee kala ah; Sinno ee qodobadkiisu yahay 426 Xeerka Ciqaabta Somaliland iyo denbiga ah dilista ilmo-yar oo ay dhashay oo qodobkiisu yahay 435 Xeerka Ciqaabta guud.

Sidaa daraaddeed, waxay Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Sanaag, qaybteeda Tashiga ahi soo saartay xukunkan hoos ku qoran;- ”

Qodobadkiisa 1-aad; Maxkamaddu waxay diidday Asbaabta Racfaanlayda Sahra Maxamed Faarax iyo Qareenkeeda Axmed Aadan Jaamac.

Waxay aqbashay jawaab-celinta Asbaab Racfaansane ee Xafiiska Xeer-ilaalinta oo uu metelayo Yaasiin Maxamuud Jaamac Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Sanaag, waxay wax ka beddeshay xukunka Maxkamadda Sanaag.

Waxay Maxkamaddu ku xukuntay Sahra Maxamed Faarax 20 iyo afar jir ah ina Faadumo Cawil, Xidhig dhan siddeed sannadood.” Sidaa ayuu Guddoomiyaha Maxkamaddu ka Akhriyey Warqadda Qaraarka Maxkamaddu ku qornaa ee uu Saxaafadda horteeda ka akhriyey Sabtidii Maanta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.