Ajendaha Safar aanay Qurbe-joogga Somaliland Ku Niyad-samayn oo Wasiir Sacad Cali Shire ku Joogo Denmark

SHIRKA WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA SOMALILAND KAGA QAYBGALAY DENMARK 2016

Ajendaha Kulamo Ay Foolxumo Ku Tilmaameen Oo Wasiirku La Yeeshay Kooxo Ku Shaqaysta Jaaliyadaha Soomaaliya (SOMALI Diaspora Org.) iyo NGOs Ka Shidaal Qaata

Copenhagen(Aftahannews):- Hoggaanka wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu eedeeyey fadeexado hadheeyey istaraatiijiyaddii qaranka uga meel taallay qaddiyadda Somaliland iyo siyaasadda u qorsheysan in ay ku dhaqdo ururrada jaalliyadaha Somaliland ee dunida iyo qurbejoogga u darban himillooyinka qarankooda u meel yaalla oo ay ugu horreyso horumarinta dalka iyo sidii aqoonsi caalami ah loo gaadhsiin lahaa wadankoodan rubuc qarniga jiray.

SHIRKA WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA SOMALILAND KAGA QAYBGALAY DENMARK 2016
SHIRKA WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA SOMALILAND KAGA QAYBGALAY DENMARK 2016

Warar uu Wargeyska HUBAAL ka helay qaar kamid ah jaalliyadaha ku dhaqan qaaradda Yurub ayaa tibaaxay in Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee JSL Dr. Sacad Cali Shire oo haatan ku sugan wadanka Denmark ee qaaradda Yuruub uu kulamo dhabarjab ku ah qarannimada la yeeshay ururro gaar loo leeyahay oo aan ka socon dawladda Denmark balse ay wakiillo ka yihiin dad shuraako ah oo isugujira ajanebi iyo Soomaali, kuwaas oo u adeegaya dalal aan aaminsanayn qaddiyadda Somaliland iyo kuwo ay shaqaysta magaca Soomaaliweyn iyo mabda’a federaalka. warbixinno iyo dhukumentiyo sawirro weheliyaan oo Wargeyska HUBAAL helay ayaa waxa kadhex muuqda wasiirka khaarijiga JSL oo kulamo iyo shirar gaar ah kula jira ururradan iyo xubnaha Soomaaliweynta ah oo qaarkood sheegtaan inay madax ka yihiin NGO wakiil ka ah Jaalliyadda Qurbejooga Soomaaliya ee qaaradda Yurub (Somali Diaspora Organization), kuwaas oo ay reer Somaliland tilmaameen in Wasiir Sacad si toos ah ugu xidhmay isla markaana uu ka dhigtay wakiillo si dadban ugu metella dalalkaas. Warku waxaa uu intaa ku darayaa in qorsheyaal iyo ajendeyaal ay Qurbejooga reer Somaliland ugu talo galeen in wasiirka khaarijgu ku hawl galo ay u sii sameeyeen kahor intii aanu Dr. Sacad kasoo ambo bixin dalka, iyagoo ballamo uga sii qabtay masuuliyiinta dalalka Yurub oo uu ugu horreeyo dalka Denmark balse waxaa ay ayaan darro kamuujiyeen in dedaalkoodu natiijo xumaystay kadib markii uu wasiirku dheg jalaq u siin waayay qorshahooda, taas bedelkeedana uu ka door biday in uu arrimahaas u daba fadhiisto Somali Diaspora Org. iyo masuuliyiintooda.

Warbixin Qeyb ka ah qeylo dhaaan ay Ururrada Jaalliyada JSL ee Yurub u soo direen xukuumadda Somaliland ayaa toddobaadkan waxaa ay mar kale kusoo bandhigeen fadeexado ay ku tilmaaameen khiyaamo qaran oo bar kuma taal ka dhigaya halgankii ay ugu jireen qaddiyadooda, kaas ay ku eedeeyeen in uu masuul ka yahay wasiirka Khaarijigu. War bixintan oo Cinwaan looga dhigay

Warbixin Culus Oo Muujinaysa Fadeexado Hadheeyey Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland oo Wargeyska HUBAAL si qarsoodi ah u helay nuqul kamid ah ayaa sidoo kale lagu soobandhigay musuq maasuq iyo siyaasad xumo hadhaysay wasaaraddii arrimaha dibedda JSL oo uu gadh wadeen ka yahay haatan Wasiir ay u hanweynaayeen aqoontiisa iyo khibradiisa, balse hungo u horseeday qarankooda. Warbixintan waxaa kale oo lagu soo bandhigay qorshe taban oo hoosta kaga xidhiidhsanaa socdaalka uu haatan wasiirku ku joogo Denmark. Sida ka muuqata warbixintan ayaa qurbejoogu waxaa ay ku soo bandhigeen sida aanay ugu niyad samayn qaabka uu wasiir Sacad ula macaamilo dalalka Yurub “Haddaanu nahay guud ahaan jaaliyadaha yurub ee reer Somaliland waxay noo sheegeen siyaasiyiinta amaba masuuliyiinta reer yurub in wasiirku marka uu la kulmay ay had iyo jeer hadalkiisa ka muuqatay dano dhaqaalle balse aanu ka hadal arrimo khuseeya siyaasadda aqoonsi raadinta ee aanu ka filaynay”.

 Ayaa lagu yidhi warbixintan. Waxyaabaha kale ee lagu yidhi Warbixintan ayaa waxaa kamid ah “Maamul xumo iyo musuqmaasuq ka jira wasaarada arimaha debada, kulanka uu wasiirku la yeeshay NGOs-ka ay Kooxaha Soomaaliweyn wataan iyo sida uu u dhinac maray bulshadii Somaliland ee u heellanaa qaabilaadiisa.

Wasiir Sacad iyo booqashadii Denmark

Jaaliayadu waxay u diyaarisay in bulshadii reer somaliland ee degen guud ahaan Denmark uu la kulanto wasiirka dadkaasoo kala degen magaalooyinka kala ah–

1- Copenhagen

2- Aarhus- caasimada labaad

3 – Koldin

4- Vejle

 Bulshadaas oo Basas ku imanlahayd Caasimada Copenhagen . lakiin wasiirkii wuxuu isagu qiray oo yuidhi waxaan la shiray oo la kulmay 50-60 qof waxaana wax lala yaabo ah in wasiirkii dhamaa ee Denmark yimi oo degenyihiin 4000 qof uu ku qanco 50-60 qof kaliya, taasaana nasiib-darro.

waxa kale oo nasiib daro ah in wasiirkii Somaliland ee Denmark yimi uu la kulmo The Danish Refugee Council DRC oo oh hay’ad yar oo mashruucyada ka soo qaadata Denmark’s development cooperation DNIDA iyo Fairfish oo la sameeye 2011 kii oo meeshii ugu horeysay ee ay wax geysaa ay tahay Somaliland inanka yar ee siyaasadeeda Fairfish hogaamiyaana yahay wiil reer somalilaya ah oo hooyadii reer hargeysa tahay isla iyo markaana somaliweyn aad u aaminsan sidooo kalana ah gudoomiyaha jaaliyada guud ee soomaalida ee Denmark. Said Abdirahman Hussein – Somali Diaspora Organisation (SDO) waxa kale oo nasiib darro in gudoomiyaha jaalida somaalida Mr Said uu wakiil khaasa u yahay wasiir Sacad safarkan hada ahna uu xafiiskasta la socday wasiir Sacad shirkastana uu la socday uu dhinac fadhiyey isla iyo markaana uu gudoomiyaha jaalida somaalida Mr Said u ogyahay waxkasta oo somaliland iyo ku wada hadleen meelaha Denmark wasiir Sacad booqday arinkaas oo loo hayo cadyn cad iyo sawiradii su’aashu waxay tahay Somaliland iyo Somaliya miyey isku biireen?

Waxa kale oo Wasiirku dayacay kulmaddii u laqaadan lahaa meelihii muhiimka ahaa qadiyada Somaliland iyo ictiraaf raadinta inaga caawin laha ee loo diyeeriyey isaga oo ka doorbiday NGO- iyo dhaqaale raadin , meelahaa muhiimka ahaa ee loo diyaariyena ee aanu degina waxaa ka mid ahaa—

1- Inuu la kulmo xubno ka tirsan baarlamaanka Denmark

2- Inuu la kulmo Xoghaya arimaha debeda ee xisbiga sooshal dimuqraadiga (Social Democrats party ) ee ugu weyn Denmark

3- Waxa kale oo uu la kulmi lahaa Dansk Institut for Internationale Studie kaasoo gacanta ku haya project soconaya 2014-2019 , http://govsea.tumblr.com/project kaas oo inaga caawin lahaa daarasad lagu sameeyo xoolaha nool iyo abaaraha soo noqnoqday.

Gebagebadii –

Xog ururin guud ahaan Jaaliyadaha Yurub haddaannu nahay guud ahaan jaaliyadaha yurub ee reer Somaliland waxaanu xog ururin ku helnay oo ay noo sheegeen siyaasiyiinta amaba masuuliyiinta reer yurub in aayanay haba yaraatee wasaarada arimaha debeda Somaliland kala hadli wadamada reer yurub qadiyada ictiraaf raadinta ee ay wasaraada arimahadebadu ka hadasho oo keliya dhaqqale iyo horumarin waana nasiib daroweyn hadii ay wasaaradii arimaha debadu noqotay NGO.

Wasiir Sacad intuu ahaa qorshaynta qaranka waxaa waxa hubaal ah oo la wada ogyahay markii uu Wasiir Sacad ahaa Wasiir Sacad qorshaynta qaranka inuu wasiir Sacad diwwaan geliyey NGO oo badan oo magaca Somaliya sita taas oo aan hore u dhici jirin arintaasina waxay nuglaysay qadiyadii gooni isu taaaga Somaliland waxa kale oo la tuhunsanyahay in wasiir Sacad heshiisyo hoose lagalay NGO iyo ururo samofal oo aduunka ku filiqsan safarkan amaba socodkan uu hada wadamada debada ku marayana ay la xidhiidhaan mashruucyada iyaga ah madaaba dawladan hada waqtigeedu ka hadhay mudo ka yar 4 bilood waxa kale ooo cad in wasiir Sacad ka been sheego safarada iyo socdaalada uu debeda ugu baxay waxay daaranaayeen iyo qorsha dhabta ah safaraadaasi ahaayeen.

Source: Hubaal.