Afhayeenka Dhalinyaradda Beesha Reer Daahir Oo Ku Eeddeeyay Niman Aan Lagu Aamini-karin Hogaaminta Dalka Murashaxiinta Kulmiye &Musuq-maasuq Hadheeyay  Guddida Qadaraasyada Somaliland

thumbHargeysa, (Aftahannews.com)-Afhayeenka Dhalinyarada Beel weynta reer Daahir ahna Guddoomiyaha Degmada Balidhiig ee Xisbiga Waddani Jamaal Cabdiraxmaan Axmed (Food), ayaa sheegay inay gebi ahaan ku tashadeen inay ka baxaan Xisbiga Kulmiye, wixii maanta ka dambeeyana cudud, hiil iyo taageeraba isla barbar taagayaan murashaxa xisbiga waddani Cabdiraxmaan Cirro, isla markaana wuxuu dhaliilo iyo eeddayn u soo jeediyey murashaxiinta Kulmiye Muuse Biixi iyo SAYLICI.

Guddoomiyaha Waddani ee Degmada Balidhiig oo warsaxaafadeed caawa ugu waramayey warbaahinta Magaalada Hargeysa, ayaa sharaxay waxyaabaha ku doorteen xisbiga waddani, isagoo ugu baaqay guud ahaan  shacabka reer Somalilandind, gaar ahaan beel weynta Xabusho (Hbar-jeclo), loo baahan yahay inay badbaadiso dalka Somaliland.“Aniga oo ku hadlaaya magaca dhalinyarada beel weynta reer Daahir dhamaan waxaanu ku tashanay innaanu hiil iyo hooba isla barbartaagno Murashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Markii aanu daraasaynay ee aanu eegnay shakhsiyaadka u murashaxiinta ah Kulmiye iyo Waddani. Waxa noo soo baxay in wakhtigan qofka kaliya ee ku haboon Axmed Siilaanyo dabadii innuu sii hogaamiyo dawladnimada iyo masiirka shacabka reer Somaliland, waxaanu arragnay markii aanu meel walba ka eegnay innuu yahay Guddoomiyaha Waddani ahna Guddoomiyaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro. Haddaanu nahay dhalinyarada beesha reer Daahir ee ku dhaqan deegaanada kala duwan ee Gobolka Saaxil, Togdheer iyo dalka dibadiisa innaanu taageersanahay oo aanu codkayaga isla garabtaango xisbiga waddani ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cirro. Waxaan ugu baaqayaa shacabka reer Somaliland in maanta aayahooda iyo mustaqbalka dalkooda ka tashadaan oo aaney  u horseedin innuu ku dhaco hadaan dheer oo farta dhex-da laga qaniinin. Illahey ayaan idinku dhaarshee ma caqli caafimaad qaba iyo indho dheer Muuse Biixi Cabdi ee ma ninkaa afkatagaaya ee aad moodayso innuu soo ridaayo qarbasanaaci iyo kibirkii wakhtigii ciyaalnimada ayaad dalka u dhiibilaheyd. Saylicina waa hashii luntay ee iska taaqtagtay dabadeed waraabe ayda ku dilay intay isku ilawday. Markii aanu eegnay murashaxiinta saddexda xisbi qaran ee Kulmiye, UCID iyo Waddani oo Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi oo ah labada nine e wakhtigan tartamaaya, waynu ognahay xaalada iyo halkuu ku dambeeyay Xisbiga UCID, waana laan ka mid ah xisbiga Kulmiye oo uu ku shaqaysto Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, qayb Wasiiro ah iyo Maxamed Kaahin Axmed oo isagu sacab tumid wacan ma jirto shacab iyo dhalinyaro beelaha Habar-jeclo ah oo murashaxiinta xisbiga Kulmiye  Muuse Biixi iyo Saylici niyad u aheysaa  maanta ma jiro ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Kulmiye wixii la odhan jiray way wada tageen oo xisbigaasna sida muuqata kudaa oo isaga ayuu raacay. Waxa hubaal ah in maanta beesha Habar-jeclo ay maanta burburisay xukuumadda Kulmiye oo caydii ku dhacday iyo mucaaridkii maalin walba warbaahinta ka caayayey waxay aheyd beesha Muuse Biixi Cabdi ee Sacad Muuse iyo Ciise Muuse ee maxaa u yaalaay. Miyaad aragteen isagoo waligii leh waad khaldan tihiin ee maxaad ku haysataan Habar-jeclo Dawladdii iyo xisbigiiba nasiiyee.”ayuu yidhi afhayeenka dhalinyarada Reer Daahir ahna Guddoomiyaha Waddani ee Degmada Ballidhiig.

Guddoomiyaha degmada Balidhiig wuxuu sheegay musuq-maasuqa iyo qaraabakiilka uu sameynayo Guddoomiyaha Guddida khadaraasyada. ka dhex jira ha’yadda qadaraasyada xukuumadda Axmed Siilaanyo, waxaanuu yidhi,“Guddoomiyaha Guddida qadaraasyada ee dhawaan loo magacaabay Shiriif Abokor Dhuux-yare intii uu joogay wuxuu sameeyay boob cadaan ah. Wuxuu khadaraasyadii siiyey rag gurigiisa ka soo jeeda oo inaadeeradii ah, oo cadaan ah, lana garanayo. Injooyadii Gobolka Togdheer iyo Saaxil wuu kala saaray oo cid gaar ah ayuu siiyaa kuwii kalena waa laga madnuucay. Madaxweyne Axmed Siilaanyow waa maxay godobta abtiyashaa  Reer Daahir ka galeen. Miyaadan jaqin naaskii Maryan saleebaan Faarax San-weyn ee aad cunaqabatayna ku soo rogtay.”