Badhasaab Ku Xigeenkii Hore Ee Gobolka Togdheer Oo Xoriyaddiisa Loo Soo Celiyey

ggguled22-300x225

Hargaisa(Aftahan News)  Badhasaab Ku Xigeenkii Hore Ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar Ayaa maanta Xoriyaddiisa Loo Soo Celiyey Ka Dib Markii Uu 15 Casho Ku Xidhnaa Saldhiga Dhexe Ee Magaaladda Hargaysa.

Sidaynta Masuulkan Waxaa ka Odayeeyey Wasiir  Hore Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Guryeynta Siciid Sulub Maxamed , Caaqil cabdi xasan cunaaye iyo odayaal kale kuwaasi oo halgan dheer u galay soo daynta Gudoomiyaha.

Xadhiga Guuleed Daahir Samatar ayaa la sheegay in uu u Xidhnaa wasiiro ka tirsan xukuumda silaanyo  oo i la sheegay in la Diidey in la siidaayo inta xukuumdu xal ka gaadhyso xadhigan guuleed daahir

Guuleed Daahir Samatar ayaa Xadhigiisa Waxaa  Si Weyn Uuga Hadley Qaybaha Kala DUWAN Ee Bulshadda Reer Somaliland Xisbiyadda M,ucaaridka ah Iyo Hay,adaha Xuquuqal insaanka Kuwaasi Oo Cambaareyn Xoogan u soo jeediyey Xukuumadda

Aftahan News

Hargaisa/Somaliland/office