XAGEE MARAYAA DHISMAHA GOLAHA WASIIRADDA PUNTLAND WARBIXIN + XOG

madaxtooyada puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa laga filayaa todobaadka danbe inuu soo dhiso Golihiisii xukuumada isagoo wakhtigan ku mashquulsan xulashada xubnihii ka mid noqon lahaa Golahaas.

Xubno ka tirsan xukuumadii hore, Siyaasiyiin xilal doon ah, Rag ku cusub masraxa siyaasada & qurba joog danaynaya inay soo dhex muquurtaan arrimaha Puntland ayaa soo buux dhaafiyey magaalada Garoowe kuwaas oo herdan ugu jira sidii ay magacyadooda uga dheehan lahaayeen liiska cusub ee Madaxweynaha laga filayo.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa dhankiisa ah mid mashquul ah waxaana safaf dhaadheer Subax, galab iyo habeen ugu jira kooxaha iyo xubnaha danaynaya inay ka soo dhex muuqdaan Golaha cusub iyagoo wata Ismadooda, Cuqaashooda, Cida riixaysa Iyo waraaqahooda codsiga (CV).

Goormaa lagu dhawaaqin Golaha cusub?.

Sida uu dhigayo Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad farqadiisa 3-aad Madaxweynuhu wuxuu soo dhisayaa Golihiisa Xukuumada 21 beri gudahood laga bilaabo maalinta la doorto taas oo ka dhigaysa in liiska Wasiirada lagu dhawaaqo ka hor 29 Jan, 2014.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karaa waxay sheegayaan in Madaxweynuhu ku dhawaaqi doono Golihiisa kadib xaflada caleemo saarka gaar ahaan inta u dhaxaysa 25 Jan ilaa 27 Jan, 2014.

Tirada Xukuumada.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) wuxuu balan qaaday wakhtigii uu ku jiray ololaha doorashada inuu dhimayo tirada guud ee Wasiirada isagoo sabab uga dhigay dhaqaalaha wadanka oo aan qaadi karin tiro le’eg Wasiiradii xukuumadii xafiiska uga horaysay.

Waxaa la hadal hayey maalmihii hore in tirada Wasaaraduhu noqon doonaan 13 ilaa 15 qaarkoodna dib la isugu celin doono waxaana ka mid ahaa Wasaaradihii la hadal hayey in isbedelku sameeyo:-

1. Wasaaradda Hawlaha guud & Gaadiidka waxaa la saadaalinayey in dib loogu soo celin doono Wasaaradda duulista hawada & garoomada .

2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowlada hoose & Horumarinta reer Miyiga waxaa la hadal hayey in lagu soo dari doono Wasaaradda Amniga oo markii hore iyada ka farcantay.

3. Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka bada & La dagaalanka burcad badeed waxaa loo badinayey in lagu soo dari doono Wasaaradda Kaluumaysiga & Khayraadka bada oo horay uga tirsanaan jirtay.

4. Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa la filayey dhankeeda in loo soo celiyo Wasaarada Deegaanka, Daaqa & Duurjoogta iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka labadan wasaaradood oo horay iyada uga tirsanaan jiray balse hada ah hay’ado gaar u taagan.

Hadii qorshahaasi hirgeli lahaa tirada Wasaaraduhu waxay noqon lahaayeen 14 Wasaaradood halka ay hada ka yihiin 18 hase yeeshee waxaa soo baxaya xogo ah in Madaxweynuhu uusan waxba ka bedeli doonin tirada Wasaaradaha hada jira balse uu aad u dhimi doono tirada Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha .

Dhamaan Wasaaradaha ayaa lagu wadaa in 1 Wasiir ku xigeen oo keliya mid kasta loo magcaabo halka gebi ahaanba meesha laga saari doono Wasiiru Dowlayaasha marka laga reebo 2 ama 3 xubnood oo qura.

Hadii xogahani dhab noqdaan guud ahaan Golaha Wasiiradda Madaxweyne Cabdiweli ayaa noqon doona inta u dhaxaysa 37 xubnood ilaa 39 xubnood tiradaas oo isugu jira Wasiiro, Wasiiru dowlayaal & Wasiir ku xigeeno (Dhamaan Golaha fullinta) .

Is bedelka ku yimi qorshihii horay loo hadal hayey ee yaraynta tirada Wasaaradaha ayaa sabab looga dhigayaa cadaadis xoog leh oo Madaxweyne Gaas kaga yimi dhinaca qabaa’ilka iyo duubabka dhaqanka oo loolan adag ugu jiro sidii ay xubno uga heli lahaayeen Golaha cusub.

Suurtagalnimada wejiyo cusub.

Xubno ka mid ah Wasiiradii Madaxweyne Faroole welina xilka si kusime ah u sii haya.

Xubno ka mid ah Wasiiradii Madaxweyne Faroole welina xilka si kusime ah u sii haya.

Suurtagalnimada ah in dhamaan Wasiiradu noqdaan rag ku cusub masraxa siyaasada ayaa ah mid aad u saraysa waxaana aad loo hadal hayaa inay adag tahay in Wasiiradii Xukuumada Madaxweyne Faroole cidi ka soo noqoto iyadoo aad la isula dhex marayo in Madaxweynuhu goostay inuu dhamaanood bedelo si uu u rumeeyo eraygii uu ololaha ku soo waday ee ahaa IS BEDEL, IS BEDEL , IS BEDEL laakiin waxaa jira Wasiiro miisaan leh oo taageero xoog leh ka haysta odayaashooda dhaqanka welina orod ku jira.

In Golaha Xukuumadu ay noqdaan rag cusub waxaa si gaar ah Madaxweynaha ugu cadaadinaya Xubnihii horay ugu kacsanaa Dowladii Madaxweyne Faroole & Xubnihii u ololaynayey in Dr. Gaas in loo doorto hogaanka Puntland kuwaas oo uga gol leh sidii ay u heli lahaayeen fursad waafi ah oo ay Wasiirada cusub kaga mid noqdaan.

 

Xubnaha aad loo hadal hayo.

Lama xaqiijin karo xubnaha ka soo dhex muuqan doona liiska cusub ee Wasiiradda ilaa si rasmi ah Madaxweynuhu ugu dhawaaqo looguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee Madaxtooyada (Boolitiino Officaile) laakiin waxaan isku deyeyaa inaan sii sameeyo saadaal hordhac ah anigoo saldhig uga dhigaya Xogaha hoose ee Madaxtooyada ka soo duxanaya, Wararka suuqa lala dhex marayo, Hadal haynta guud & Miisaanka raga sharaxan.

Gobolka Nugaal.

Beesha Ciise Maxamuud.

Beesha degan caasimada Dowlada Puntland ee Garoowe uuna ka soo jeedo Madaxweynaha hada xafiiska ka degay Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) waxaa lala hadal hayaa inay heli doonto 2 Wasiir oo midkood qaban doono Wasaaradaha muhiimka ah waxaana aad loo hadal hayaa xubnaha kala ah:

Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) : Oo hada ah  Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowlada Puntland ayaa la filayaa in loo dhiibo Wasaaradda Amniga ka sakoow Xogaha la helayo, Saadaasha guud, Amaantii balaarnayd ee uu ku mutaystay qaabkii uu u maareeyey amniga xiligii doorashada hadana waxaa sii xooginaya jiritaanka warkan kadib markii uu ku dhawaaqay inuu ka fariisan doono hawlaha ciidamada .

Cabdi Faarax Siciid (Juxa): Oo ahaa Wasiirkii Waxbarashada Xukuumadii Madaxweyne Faroole si dhowna loogu tiriyo inuu saaxiib ula yahay Madaxweyne Gaas ayaa laga yaabaa in Wasaaradiisii Waxbarashada loo daayo hadii uu jiritaan beelo warka ah in Siciid dheere laga dhigo Wasiirka Amniga waloow caqabad weyn ay ku tahay fursada ah inuu markale noqdo Juxa Wasiir qorshaha Madaxweynuhu ku doonayo inuu rag cusub ku soo xusho.

Maxamed Cabdi Nuur: Wuxuu ka mid ahaa ragii u tartamay doorashadii Madaxtooyada 2014 waloow uu wareegii hore ku bariiqday hadana wuxuu ka mid yahay raga sida weyn loo hadal hayo in lagu soo daro Golaha cusub isagoo loo saadaalinayo Wasaaradda Ganacsiga & Wershadaha maadaama uu dhinacaas u badnaa.

Xasan Aloore: Waa Wasiirkii hore ee Macdanta Dowladii Gen. Cade Muuse isagoo ka mid ahaa ragii sida aadka ah ugu ololaynayey Madaxweyne Gaas xiligii doorashada waxaana la xaqiijiyey inuu orod ugu jiro sidii loogu magcaabi lahaa Wasiir iyadoo ay suurtagal tahay in isaga & Maxamed Cabdi Nuur midkood Madaxweynuhu qaato.

Gobolka Bari.

Beesha Cali Saleebaan.

Beesha degan Gobolka Bari wakhtigana banaynaysa Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland waxaa loo badinayaa in la siin doono 1 Wasaaradda waxaana u sharaxan :

Madaxtooyada Puntland waa mashquul waxaana hareeyey siyaasiyiin xil raadis ah.

Madaxtooyada Puntland waa mashquul waxaana hareeyey siyaasiyiin xil raadis ah.

Shire Xaaji Faarax : Oo horay u ahaa musharax u tartamay doorashadii madaxtooyada 2014 ayaa si weyn loo aaminsan yahay inuu ku jiro liiska cusub iyadoo lala hadal hayo in loo magcaabo mid kood Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka bada ama Wasaaradda Kaluumaysiga & khayraadka bada, Waloow la sheegayo inuu si aad ah u danaynayo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Wasaaradda Amniga la isugu dhafo.

Yaasiin Faarax Cartan : Oo horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Bulshada Xukuumadii Madaxweyne AHN. Cabdulaahi Yuusuf Axmed isla markaana u orday doorashadii Madaxtooyada 2014 ayaa lagu soo waramayaa inuu CV-giisa geystay xafiiska Madaxweynaha uuna kula loolamayo jagada Shire X. Faarax maadaama ay isku beel ka soo jeedaan.

Beesha Dishiishe.

Ee Degan Gobolka Bari wakhtigana haysata Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka Bada & La dagaalkan ka Burcad badeed ayaa lala hadal hayaa 1 Wasaaradda taas oo laga yaabo inay noqoto Wasaaradda sida aadka ah loo jecelyahay ee Maaliyada waxaana waraaqohoodii codsiga hordhigay Madaxweynaha xubnaha kala ah:

Eng. Cabdirisaaq Xuseen Gaacayte : Oo horay u soo noqday Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Bada xukuumadii Madaxweyne Faroole sanadihii u danbeeyeyna mucaaradnimo ku suntanaa kana soo qabtay xilalka kala ah Gudoomiye ku xigeenkii Golihii Samatabixinta & Gudoomiyihii gudigii xalinta khilaafaadka Baarlamaanka ee ay magcaabeen qaar ka mid ahaa musharaxiintii doorashada madaxtooyada 2014 markii ay diidanaayeen Gudigii u soo magcaabay Madaxweyne Faroole ayaa ka mid ah raga sida aadka ah loo hadal hayo inay soo galaan Wasiiradda cusub.

Cabdulaahi Jaamac Saalax , Cabdulqaadir Siciid Cali Kawir & Xuseen Axmed Xasan (Fiqi)ayaa ka mid ah dhankooda xubnaha ka soo jeeda beesha dishiishe ee xeraystay CV-yadooda kuwaas oo orod ugu jira sidii ay u hanan lahaayeen Wasiirnimo .

La soco qaybta labaad ee qormadan taxanaha ah & Gobolada/ Beelaha kale ….

Shiine Culay
Qoraa & Ka faaloode Arrimaha Puntland
Phone: Garoowe 7800080 Facebook: Prince Shiine Culay | Tiwtter: @Shiineculay | E:
 Shiine.culay@gmail.com Blog:sculay.wordpress.com