Wasiir Waran-cadde oo ku dhawaaqay Xilliga ay bilaabayaan bixinta kaadhka dhalashada Somaliland iyo cidda xuquuqda u leh

Hargeysa(Aftahannews):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa maanta  muddeeyay xilliga ay bixinayaan kana bilaabayaan dalka oo dhan  kaadhka dhalashada muwaadiniinta Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde waxaa kaloo uu ka hadlay cidda xaqa u leh jinsiyadda muwaadinnimada Somaliland

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa xeer nidaamiyaha qeexaya qaadashada jinsiyada ama dhalashada Somaliland. kaadhkaasi oo noqon doona Astaanta kaliya ee lagu aqoonsan doono qofka u dhashay dalkan Somaliland. waxa uu hirgalayaa xeer-nidaamiyahani 1-da bisha 2-aad ee sanadkan 2014. Fulinta xeerkan waxaa ka qayb qaadanaya dhammaan Hay’addaha ku shaqada leh Jinsiyaddaha Somaliland oo ay ka mid yihiin Xisbiyadda Qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo cidii kale ee Xeerku xaq u siiyo fulinteeda”

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sharaxay kalmadaha ku jira xeerkan “Muwaadin waxa loola jeedaa qof kasta oo ka isiran dadkii degganaa geyiga Somaliland 26-kii June 1960-kii iyo wixii ka horeeyay iyo Qof si sharciya u qaatay Dhalashada Somaliland”ayuu yidhi, waxaanu intaasi u daray “’Laaji –  waxa loola jeedaa Qof kasta oo loo aqoonsado qaxooti oo ku sugan dalkan Somaliland. Ajanab – waxa loola jeedaa qof kasta oo aan ahayn Muwaadin Somaliland ah. Qaan-gaadh – waxa loola jeedaa Muwaadin kasta oo da’diisu gaadhay 15 sano iyo wixii ka badan.

Carruur – waxa loola jeedaa Muwaadin kasta oo da’diisu ka yar tahay 15 sano. Aabba laawe – waxa loola jeedaa Ilmaha aan la aqoonsan aabihii, balse leh hal waalid oo la yaqaano ah hooyadii.

 Muwaadinimada u dhalashada ah: waxa muwaadin dhalad Somaliland ah Qof kasta oo uu dhalay Aabbe ka isiran dadkii Somaliland deganaa 1960-kii. qofka dhaladka ahi wuxuu qaadan karaa dhalasho wadan kale isaga oo aan luminayn dhalashadiisa Somaliland-nimo. Muwaadin kasta oo Somaliland ah oo ku nool wadamada shisheeye, dhalasho kalena haysta waxa uu qaadan karaa kaadhka dhalashada marka u horaysa ee uu soo galo Dalka Somaliland”

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland