Hormo ka mid ah Wasiirada Soomaaliya oo maanta la dhaariyay

Muqdisho (Aftahannews):- Hormo ka mid ah Wasiirada Soomaaliya ee dhawanta lagu dhaq=waaqay,ayaa maanta la dhaariyay kuwaasoo maanta lagu dhaariyay Xarunta baarlamaanka Soomaaliya oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Ceydiid Cabdilaahi Ilka-Xanaf ayaa maanta Xildhibaanada Baarlamaanka hortooda wuxuu ku dhaariyay Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya qaar la mid ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad dheer ka jeediyay Xarunta Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxa uu Baarlamaanka uga mahadceliyay Shaqada ay u hayaan bulshada isagoo ku dhawaaqay in uu xidhan yahay kala fadhiga 3 aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Aftahannews.com
Hargeysa Somaliland