Somaliland oo soo Qiimaynaysa Dadkeeda Qaxoontiga Ku Ah dalka Jabuuti

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay qiimayn ku soo samaynayso dadka qaxoontiga ah ee u dhashay Somaliland, isla markaana ku jira Xeryo qaxoonti oo ku yaalla waddanka Jabuuti.

Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Axmed Cabdi Kaahin, ayaa maanta socdaal shaqo ku tegay dalka Jabbuuti, halkaasoo uu kaga qayb geli doono wadahadalo ku saabsan qaxoontiga reer Somaliland ee ku jira Xerada qaxoontiga Cali-Cadde ee waddanka Jabuuti.

Wasiirka-dib-u-dejinta-Somaliland-Axmed-Cabdi-Kaahin

Agaasimaha guud ee Wasaaradda dib-u-dejinta Maxamuud Jibriil Yoonis oo garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Hargeysa ku sii sagootiyey Wasiirka, ayaa warbaahinta u sheegay in Wasiirka Dib-u-dejintu u ambabaxay dalka Jabuuti, socdaalkiisuna ku waajahan yahay xog-ogaal u noqoshada xaaladda qaxoontiga reer Somaliland ee ku jira Xerada Cali-Cadde ee dalka Jabuuti. Waxaanu intaa ku daray in Wasiirka ay Safarkiisa ku weheliyaan laba xubnood oo ka kala socda Golaha Baarlamaanka iyo Bulshada rayidka ah ee Somaliland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta oo farriin u diray qaxoontiga Somaliland ee ku jira Xeradaas Cali-Cadde ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu ku wargeliyey in dalkooda Somaliland ay ka jirto nabadgelyo iyo dawlad kaamil ah markii ay doonaanna ay ku soo noqon karaan.