Xagla-toosiye oo Digniin culus diray, Kana hadlay wuxuu Buuhoodle kula noqonayo iyo Goorta uu tegayo

“Dorshada Puntland Ka dhacaday waannu soo dhawaynaynaa una malyan maayo in ay saamayn ku yeelan doonto Somaliland, Cabdiweli Gaas waannu is-naqaannaa, waa Nin…….”  Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay is-beddelka Siyaasadeed ee ka curtay bilawgii bishan Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isla markaana waxa uu ka warramay waxa uu ka rejaynayo Madaxweyne Cabdiwali Gaas iyo goorta uu Xagla-toosiye ahaan tegi doono deegaanka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Buuhoodle.

xaglatoosiye (1)

Wasiir Xagla-toosiye waxa uu Maamulka Puntland uga digay inuu wax faro-gelin ah ku soo sameeyo gudaha dalka Somaliland, isaga oo sheegay haddii ay taasi dhacdo inaanay Somaliland daawan doonin ee ay ka jawaabi doonto xad-gudub kasta oo kaga yimaadda Puntland oo uu sheegay inuu jecel yahay in nabadgelyo lagu wada noolaado.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta Warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu uga dhoofay magaalada Helesinki ee waddanka Finland oo uu kaga qaybgalayo sida uu sheegay shir lagaga hadlayo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyda Caafimaadka Somaliland.

“Dorshada Puntland Ka dhacaday waannu soo dhawaynaynaa una malyan maayo in ay saamayn ku yeelan doonto Somaliland, Cabdiweli Gaas waannu is-naqaannaa, waa nin aqoon leh una malyn maayo inuu ku tallaabsan doono wax khalkhal-gelin kara nabadgelyda deegaannada, faro-gelinna ku samayn doono deegaanno Somaliland ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland.

Wasiir Saleebaan Xiise Axmed (Xagla-toosiye) waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Haddiise ay dhacado waxaannu xaq u leenahay inaannu iska difaacno, mana daawan doonno xad-gudub lagu samaynayo Qarankan siiba deegaannada Sool, Sanaag-Bari ama Buhoodle, degaannadaasi waa Somaliland, waxaan rejeynayaa in nabadgelayo lagu wada noolado, waxaan lee yahay ha iska ilaaliso Puntland wax kasta oo xasillooni-darro keeni kara.”

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Salebaan-Xaglo-toosiye oo warbaahintu weydiisay goorta uu tagi doono deegaannada uu Puntland uga digayo inay soo faro-geliso, gaar ahaan deegaanka uu isagu ka soo jeedo ee Buhoodle, ayaa ku jawaabay; “Buhoodle Insha Allaah dhaqso ayaan u tegayaa, wax-qabad badan oo hormar lehna waan u wadnaa haddii ay tahay Buhoodle iyo deegaannada kale ee Somaliland waxyaabo badan ayaannu ka qabanaynaa siiba xagga cafimaadka ee aan Qaranka u hayo.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.