Abwaan Axmed Aw Geeddi Oo Maanso uu sameeyey Awgeed isu casilay

Hargeysa(Aftahannews):- Abwaan Axmed Aw Geeddi Maxamuud, ayaa sheegay inuu iska casilay shaqadii uu ka hayey Hay’adda HAVOYOCO, ka dib markii sida uu sheegay Maanso la baxday Garbo-diir uu Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo u u tiriyey lagu xidhiidhiyey Hay’adda uu u shaqeynayey.

Axmed Aw Geedi

Abwaan Axmed Aw Geeddi waxa uu sidaa ku sheegay War-Saxaafadeed qoraal ah oo uu maanta ka soo saaray magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:- “Aniga oo ah Abwaan Axmed Aw Geeddi Maxamuud, waxa aan dadwaynaha la socodsiinayaa inaan ka tagay shaqadii HAVOYOCO aan u hayey, laga bilaabo maanta 21 January 2014, sababaha hoos ku qoran awgeed.

Sida dad badan la socdaan waxa aan dhawaan soo saaray Maanso la magac-baxday Garbo-diir, taasoo ahayd fikirkayga gaarka ah, taasoo aanan cidna ku metalayn fikirkooda, Urur iyo Shaqsiyaad gaar ah midna-ba.

Midda labaad waxa Maansadan lala xidhiidhiyey Xafiiska aan ka shaqeeyo ee HAVOYOCO oo runtii aan waxba kala socon tirinta Maansadan shaqana aan ku lahayn haba-yaraatee. Sidaa daraaddeed, waxaan go’aansaday inaan ka tago shaqadii aan u hayey Xafiiska HAVOYOCO, laga bilaabo taariikhda kor ku xusan si aan hawlahayga gaarka ah ugu madax-bannaanaado.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.