Warbixin Shaacisay In Dad ka badan 11 Kun Gaajo Loogu Dilay Suuriya

Dimishiq(Aftahannews):- Qareenno caalami ah, ayaa sheegay in ay arkeen caddeymo muujinaya in kumanaan jeelashada Suuriya ku jiray oo dawladdu xidhay la jidh dilay, waxayna sheegeen in dad gaadhaya 11,000 oo ruux gaajo iyo haraad loo dilay.

140121072025_syria_624x351_reuters

140102175003_awerial

War-bixinta ay Qareennadani soo saareen waxaa dalabtay in laga shaqeeyo dawladda Qatar, oo iyadu taageerta Mucaaradka Suuriya. War-bixinta waxaa soo saaray Saddex Gar-yeqaan oo qaabbilsan dembiyada dagaalka, waxaanay ku sheegeen in illaa 11,000 oo Maxbuus oo u xidhnaa dawladda Suuriya Gaajo loo dilay, qaar kale jidh dil ba’an loo geystay oo ay u dhinteen tan iyo billawgii kacdoonka ka dhanka ah Madaxweyne Bashar Al-Asad.

Prof David Crane oo ka mid ah dadkii Daraasadda ku sameeyay Sawirradii laga qaaday dadka la sheegay in dawladda Suuriya ay u xidhnaayeen ee lagu tacaddiyey, ayaa sheegay inay tani caddeyn booxda u tahay in xad-gudubyada ay ahaayeen kuwa qorshaysan. Sawirradaas ayaa la sheegay inuu soo qaaday nin ka soo goostay dowladda Suuriya oo ka shaqeyn jiray ciidammada ammaanka ee dalkaas.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.