Faysal Cali Waraabe oo Xukuumadda ku eedeeyay inay saxeexday qodobo ka hor imanaya Xasuuqii Somaliland loo geystay

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga soo hor jeestay  qodobada ka soo baxay wadahadalkii uu dhaxeeyey Somaliland iyoSoomaaliya ee Turkiga ku soo geba geboobay oo uu sheegay inuu yahay mid aan u cuntamayn Somaliland.

.Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta   warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa  intaa ku daray in Weftiga Somaliland matalayay ee shirkaa ka qayb galay inay ahaayeen qaar aan waxba u diyaarsanayn oo iska socday kuna tegay si bilaa qorshe.

“Wixii ka soo baxay wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya wax la liqi karo maaha, judhiiba waxaa muuqatay inuu ahaa  kulan aan habaysnayn  waayo Dawladda Soomaaliya may jirin Dawlada Somaliland-na Wefti ayey iska dirtay, siminaar ay hay,adi qabanaysay ayey ku galeen magaalada  Addis Ababa maadaama aanay Dawladda Soomaaliya jirinna waxay ku tala galeen intay fadhiyaan Addis in Dawlad la soo dhiso markii danbena waji ay ku yimaadaan ayey garan waayeen iyagii ayaanay dib u baryeen oo ay yidhaahdeen ma noqon karaynee cid uun noo soo dira waxaana loo soo diray nin Wasiir ah oo aan wali cidina magacaabin iyo dhawr xildhibaan.” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay waxa ugu muhiimsan ee ka soo baxay wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya,ayaa yidhi; “Wax muhiim ah oo ka soo baxay waxa jira eedaynta xasuuqii laynoo geystay , eedayntaasina waxay ka mid tahay waxyaalaha  aynu xaqa u leenahay ee inoo fududaynaya inaynu gooni isku taagno, waxaana ku jira xanuunkii  iyo dhibtii ay geysteen ciiddammadii Dawladda Millatariga ahayd ee Soomaaliya una geysteen waddankii Soomaaliya oo ay Somaliland-na wakhtigaas ku jirtay.”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxaa kaloo uu ka hadlay xasuuqii Somaliland ay u geysatay Dawladdii Millatariga ahayd ee Siyaad Barre iyo sida loo doonayo in la  baabiiyo  ee loo bar bar dhigayo dagaalladii qabiil ee ka bilaabmay Soomaaliya wixii ka dambeeyay 1991 wakhtigaas oo ay Somaliland gooni isu taagtay oo ay Xorriyadeeda la soo noqotay.

“Waxaana lays kala meel dhigayaa xasuuqii ay inoo  geysteen ciiddammadii Siyaad Barre iyo dagaaladii ka dhacay Waddanka Soomaaliya, markii ay dhacday Dawladdii Siyaad Barre dagaaladii dhex maray qabiilkii loo aanaynayey inay Dawladda gacan siinayeen iyo kuwii loo aanaynayey in reer ahaan loo cadaadin jiray dagaalkii ka dhex dhacay  ee ay iyagu   isku dileen Xamar,Baydhabo, Kismaayo  iyo innageenii ay Dawladdu inna laysay ee diyaaraddu duqaysay ee qaxoontigii Ethiopia laynagu hubeeyay, ee maanta leh xabaalo wadareedyo laga bilaabo Ceerigaabo ilaa Gebilay,waxaa innagu dhacay waa wixii ku dhacay Muslimiinta Kosovo waxaanay ahayd in dadkeenna xabaal-wadareedyada ah in la baadho oo DNA-gooda la qaado ayay ahayd. ”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay waxa Turkiga ku koobay shirarka wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo in Maamul goboleed Somaliland sibiq ku gali karo,ayaa yidhi; “Weli dafiraadii ayay wadaan oo inaynu Dawlad nahay ma ogola oo waxay yidhaahdaan markii gobolada waqooyi xornimada qaateen,gobolo waqooyi oo xornimo qaatayna may jirin ee Somaliland oo baarlamaan leh,ayaa xornimada qaadatay,waxaa la yidhi bidaari sibiqay kugu gashaaye waxaan  qabaa  haddii wadahadal dambe la galo intay Dawladda Siilaanyo jirto in Maamul goboleed uu sibiq inagu gali doono,Turkiga maxaa kelidii loo doortay ee innaga galay Soomaaliya sanad kasta intaasoo mashruuc ayuu ka fuliyaa oo arday ayuu u qaadaa,markii wadahadalada la furay lix dal ayay ahaayeen ee kuwii kale  maxaa looga tegay.”

Ugu dambayn wuxuu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku dhaliilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland  inuu saxeexay wuxuu ku hadlayay intaanu heshiiska saxeexin wax ka duwan uu sheegay inay kala laba yihiin.

 “Waxaan la yaabay in Wasiirkeena Arrimaha Dibaddu intaanu heshiiska saxeexin waxa uu lahaa xasuuq ayaa nalagu sameeyey, hadana wuxuu saxeexay in dad aan hubaysnayn si xaqdarro ah loo laayey, isaga oo aan saxeexin in dad si xaqdaro ah loo laayo iyaga oo aan waxba gaysan loona aanaynayo haybtooda, ciiddooda iyo asalkooda.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland