C/Raxmaan-Cirro oo sheegay in la hor-keeni doono Baarlamanka Ergada Wadahadalka uga qaybgashay Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shaaca ka qaaday inay Ergada Somaliland uga qaybgashay wadahadalka lala yeeshay Soomaaliya ee shalay dalka Turkiga lagu soo gebo-gabeeyey markay dalka ku soo laabtaan ay Golaha Wakiilladu u yeedhi doonaan, isla markaana laga waraysan doono nuxurka qodobbada ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu sidaa ku sheegay mar ay maanta Weriyeyaashu wax ka weydiiyeen sida uu u arko qodobbada heshiiska lagu gaadhay ee ka soo baxay wadahadalka ay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga ku wada-yeesheen Somaliland iyo Soomaaliya.

Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu si taxadir leh uga jawaabay su’aal laga weydiiyey sida uu u arko qodobbadaas iyo su’aal laga weydiiyey inuu hore isaga oo Afka Xisbiga WADDANI ku hadlaya u sheegay inay soo dhawaynayaan wax kasta oo ka soo baxa wadahadalkaas iyo inay WADDANI ahaan qodobbada heshiiska soo dhawaynayaan.

Warkaas oo dhan ka daawo Muuqaalka ama Vedio-gan hoose.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.