Markab La Sheegay In Budhcad-badeedda Soomaalidu Afduubtay Oo Ay Eritrea Qabsatay

Hargeysa(Aftahannews):- Markab hore loo shaaciyey inay Sabtidii Biyaha Badda Cas ka afduubeen Budhcad-badeedda Soomaalidu, ayaa la sheegay in cidda afduubtay aanay Budhcad-badeedda Soomaalida ahayn ee ay Ciidammada Badda ee dawladda Eritrea qabteen, ka dib markii uu Biyaha dalkaas si qaldan u galay.

A

Ka dib markii shalay la shaaciyey in Budhcad-badeedka Soomaalidu ay afduubteen Markab ganacsi oo marayey Badda Cas, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxda weerarka geysatay aanay Budhcad-badeed ahayn ee ay Ciidammada Xeebaha Eritrea qabteen.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo markii hore Axaddii toddobaadkan ee shalay baahisay warka sheegaya in Markabka ay afduubeen Sabtidii Budhcad-badeedda Soomaalidu, ayaa sidoo kale shalay baahisay in Markabkan oo lagu magacaabo MV Marzooqah ay qabteen Ciidammada Badda ee dalka Eritrea, ka dib markii uu si khalad ah biyaha dalkaas u soo galay.

Shaqaalaha Markabka oo markii ay arkeen Ciidammada dhankooda u soo socda mooday weerar Budhcad-badeed, ayaa dirsaday qaylo-dhaan ay ku sheegeen in Budhcad-badeed Soomaali ahi ay Markabka qabsadeen.

Dhanka kale, Af-hayeen u hadashay Ciidammada Badda ee ka socda Midowga Yurub ee howlgalka la-dagaalanka Budhcad-badeedka u jooga Soomaaliya, taasoo lagu magacaabo Jacqueline Sherriff, ayaa sheegtay in Markabka ay qabteen Ciidammada Eritrea, balse aanu jirin weerar uga yimid dhanka shufto-badeedka.

“Waxan caddeynaynaa in howlgalkaas ay fuliyeen Ciidammada Eritrea oo Markabka qabtay.” Jacqueline Sherriff ayaa tidhi; waxaanay intaa sii raacisay Afhayeenku oo ay tidhi; “Waxan filaynaa in xilligan uu Markabku ku jiro gacanta Ciidammada Eritrea…Shaqaalaha oo mooday in lasoo weeraray ayaa hore warkaas u soo gudbiyey…”

Weerarrada Budhcad-badeedka Soomaalida oo heerkii ugu sarreeyey gaadhay sannadkii 2011, markaasoo ay qaadeen 176 weerar, ayaa si aad ah hoos ugu dhacay sannadkii tegey 2013. Inta la xaqiijiyey 7 weerar oo keliya ayey Budhcad-badeedku qaadeen iyagoo aan ku guuleysan in ay hal Markabna si buuxda gacanta ugu dhigaan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.