Kiristaanka Afrikada dhexe oo gubay Meydka Muslimiin ay laayeen

Bangui (Aftahannews):- Dad Muslimiin ah,ayaa la dilay ka dibna meel fagaare ah meydkoodii lagu gbay oo dab la qabadsiiyay caasimadda dalka Afrikada dhexe halkaas oo ay ka sodaan dagaallo u dhexeeya dadka Musliniita ah io kuwa haysta diinta Kiristaanka.
Rabshadaha iyo colaadaha ka aloosan dalka Afrika Dhaxe ,ayaa meel xun maraya iyadoo ay imika sii kordhayaa n dagaaladda u dhexeeya Muslimiinta iyo Kiristaanka kuwada nool dalkaas.

Dad cadhaysan oo haysta Diinta Krishtaanka ,ayaa Magaalada Bangui ee Caasimada dalka Afrikada Dhaxe waxaay ku dileen labo qof oo Muslimiin ah iyagoo markii ay dileen kadib hadana ku gubay goob fagaare ah meydkoodii.
Dagaalka diimeedka u dhaxeeya Muslimiinta iyo Kirishtaanka ku nool Afrika dhaxe,ayaa noqday mid aan waxba la iskula hadhin isla markaana maraya in deydka la gubo ama dadka hilbahooda la cuno.

Dhawaan ayey ahayd markii Warbaahinta Caalamku soo bandhigeen nin la magac baxay Mad Dog (Eygii Waalnaa) oo cunay Hilbaha qof Muslim ah oo ay dileen Kooxo Krishtaan ahi.
Mad Dog,ayaa sheegay inay heerkaa ka gaadhsiisantahay cadaawadda uu u hayo dadka Muslimiinta ah.
Todobaadkii hore,ayuu is casilay Madaxweynihii ugu horreeyay ee dalkaasi yeesho ee Muslim ah.
Aftahannews.com
Hargeysa Somaliland