Dawladda Iran oo lagu casuumay Shirka Wadahadalka Suuriya

Geneva(Aftahannews):- Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa Iraan ku casuumay furitaanka shirka nabadda Suuriya.

Balse kooxda ugu weyn mucaaradka Suuriya ayaa sheegtay inay qaadici doonto shirka, haddii Ban Ki-moon uu ka noqon waayo casuumaadda Iran.

BANKI MON

Maraykanka ayaa sheegay inay shardi tahay in Iran ay aqbasho qorshaha xasilinta Suuriya ee lagu heshiiyay sanadkii 2012-ka.

Magaalada Montreux: Wadahadallada hordhaca ayaa lagu qaban doonaa magaalada Montreux, iyadoo laba maalmood kaddib loo gudbin doono magaalada Geneva. Dowladda Suuriya ayaa horey u sheegtay inay ka qeybgali doonto shirka.

Ilaa haatan 100,000 oo ruux ayaa ku dhimatay dalka Suuriya tan iyo markii uu billawday dagaalka sokeeye. Qabowga daran ee Bariga Dhexe ayaa sii adkeeyay xaaladda qaxootiga Suuriya.Waxaa waddamada deriska u qaxay 2 milyan oo ruux, halka 6.5 milyan ay gudaha ku barakaceen.

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibedda ee Iran uu ballanqaaday in dalkiisu cayaari doono dowr wax ku ool ah. Iran ayaa sheegtay inay aqbashay casuumaadda xoghaya guud ee Qaramada Midoobay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.