Shirwaynihii KULMIYE oo Markii Afraad dib loo dhigay iyo muddada lagu riixay qabshadiisa

Hargeysa(Aftahannews):- Shirwaynaha saddexaad ee Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa si rasmi ah dib loogu dhigay markii afraad, ka dib markii Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dhawaan soo jeediyay in Shirwaynaha KULMIYE dib loo dhigo.

kulmiye

Shir ay shalay isugu yimaaddeen Guddida qaban-qaabada Shirwaynaha Xisbigaas, ayaa waxay ku go’aamiyeen in Shirwaynaha KULMIYE la qabto 22-ka bisha saddexaad ee sannadkan, taariikhdaasoo ah tii uu soo jeediyay Madaxwayne Siilaanyo.

War-Saxaafaddeed ka soo baxay Shirka Guddiga qaban-qaabada oo Shabakadda Wararka ee Aftahannews.com xalay nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Hargeysa ee Aftahannews, ayaa lagu sheegay in dib u dhigidda shirka lagu saleeyay soo jeedintii Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha Xisbigaasi, Muuse Biixi Cabdi.

War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Shirwaynaha Kulmiye, Abiibakar Xaamud Jibriil, ayaa u dhignaa sidan:- “Shir ay isugu yimaaddeen Guddiga qaban-qaabada Shirwaynaha Xisbiga KULMIYE maanta (shalay) oo ay taariikdu tahay (ahayd) 19.01.2014, ka dib markay eegeen soo jeedintii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),

Markii ay eegeen soo jeedintii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ka dib markii ay xaqiiqsadeen inaanay suurtoobayn inuu qabsoomo Shirwaynuhu muddadii u cayinnayd oo ahayd 21.01.2014. Guddigu waxay go’aamisay in shirwaynaha 3-aad ee Xisbiga KULMIYE qabsoomo 22.03.2014. Allaah Ayaa Mahad Leh.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.