Dhagayso: Somaliland iyo Soomaaliya oo ka hadlaya heshiiska ay gaadheen

Istanbul(Aftahannews):- Ergadii Dowladda Somalia iyo Somaliland ee ku wada hadlayay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday is afgarad.

Wadahadalka_Somalia__Somalia_1  

Inkastoo qodobada ugu muhimsan wada hadalka sida gooni isutaagga Somaliland iyo Midnimada Somalia aan weli laga wada hadlin ayaa waxaa heshiiskan ka muuqda xoogaa horu mar ah marka la bar bar dhigo heshiisyadii hore.
 
Qodobada ugu muhimsan heshiiska waxaa ka mid ah, in laga garaabo dhibaatadii dadka reer Somaliland ka soo gaartay xukumadii dhexe ee miltariga, lana cambaareeyo. si aad Warbixinnadan oo dhan u dhegaysato meelkasta oo dhibic madoobi kaaga muuqato guji dhibicda horteeda bannaanka cad ah.

Warbixin ka hadleysa qodobada heshiiska halka hoose ka dhageyso:

VOAdu waxey wareysiyo la kala yeelatay Wasiirka Arimaha Aminiga Qaranka ee Dowladda Somalia Cabdikarin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Hadaba wareysiyada iyo falanqeyn ku aadan heshiiskan haka hoose ka dhageyso: