“Maanta ilaa maalintaan tagay wakhti aan ka farxad badanahay ma jiro, wax dhibaato ahna maan arag”

Muqdisho(AftahanNews):- Weriye Sagal Mustafe Xasan Nuur oo ka tirsan Suxufiyiinta ka hawlgala Xafiiska Hargeysa ee Telefeshinka Universal, ayaa sheegtay inaanu waxba ka jirin war ay been-abuur ku tilmaantay oo laga baahiyey.

sagal

Wararka ay Shabakadaha Wararka qaarkood ka baahiyeen Weriye Sagal Mustafe, ayaa lagu sheegay in lagu afduubay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya oo ay booqasho shaqo ku joogtay maalmihii ugu dambeeyey, isla markaana faro-xumayn loo geystay, hase-yeeshee, waxay arrintaa ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo been-abuur ah. Waxaanay ku doodday inaanay jirin wax dhibaato ah oo loogu geystay Muqdisho oo ay hadda ku sugan tahay.

Weriye Sagal Mustafe Xasan Nuur, oo ka mid ah Hawl-wadeennada Telefiishanka Universal ee Somaliland, isla markaana maalmihii u dambeeyay shaqo u joogtay Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaantay warar anshax-xumo ah oo ay ka baahiyeen Mareegaha Internet-ka ee Af-Soomaaliga wax ku qora qaarkood.

Sagal Mustafe waxay sheegtay inaanay jirin wax afduub ah iyo dhibaato kale oo loo geystay amaba ay la kulantay maalmaha ay ku sugnayd magaalada Muqdisho, oo ay oo maalmihii u dambeeyay Barnaamijyo toos ah ka wadday xarunta Telefiishanka Universal ee Magaalada Muqdisho.

“Dadkani waa dad ka xun horumarka iyo barnaamijyada aanu Telefiishanka aan ka wado.” sidaa ayay tidhi Weriye Sagal Mustafe Xasan oo caawa khadka taleefanka kula soo xidhiidhiyey Weriye ka tirsan Aftahannews oo ku sugan Hargeysa, iyada oo ku sugan Magaalada Muqdisho. waxaanay intaa sii raacisay Sagal oo ay tidhi; “Maanta illaa maalintaan tagay wakhti aan ka farxad badanahay ma jiraan, waanan caafimaad qabaa.”

Mareegaha Internet-ka ee laga leeyahay Soomaaliya, ayaa qaarkood waxa ay caado ka dhigteen inay ku shaqeystaan ceebaynta iyo inay waxaan jirin ka sheegaan dadka, iyaga oo uga dan leh inay lacag ku faa’idaan booqashada ama akhriska waxa ay baahiyeen, taasi oo meel ka dhac ku ah xuquuqda qofka beenta laga sheegay iyo dadka akhristay ee beenta loo sheegayba. Warkan foosha xun ee laga baahiyey Wariye  Sagal Mustafe, ayaa sida muuqata ah mid ay baahiyeen dad aan jeclayn horumarka ay ku talaabsanayaan wariyayaashu 

Aftahannews.com

Hargaysa/Somaliland.