Madaxweynaha Somaliland oo gaadhay Faransiiska iyo qaabka loo soo dhaweeyey

Paris(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa gaadhay magaalada Paris ee Caasimadda waddanka Faransiiska oo uu shalay u baxay, ka dib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Madaxweynuhu dawladda Faransiiska.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Paris, isla markaana waxa uu Madaxweyne Siilaanyo Warbaahinta uga warbixiyey ujeeddada socdaalkiisa iyo xaaladda Somaliland ka jirta waqtigan iyo weliba hawlaha dawlad ahaan hor-yaalla oo uu ku tilmaamay kuwo aan yarayn.

Halkan ka daawo Muuqaalka ama Vedio-ga Madaxweynaha Somaliland qaabka loo soo dhaweeyey iyo warka uu bixiyey-ba.

Aftahannews.com

nuuraani@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.