Daawo Go’aanno Xukuumadda Somaliland ka soo saartay Dhibaatada Wershadda Hargaha Dacar-budhuq

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay go’aammo ka soo saartay Wershadda Hargaha oo ku taalla duleedka magaalada Dacar-budhuq ee degmada Laas-geel ee gobolka Maroodi-jeex, taasoo ay dadweynaha deegaankaasi sannado badan si weyn uga cabanayeen dhibaatooyin Caafimaad iyo kuwo deegaan oo ay ku hayso.

Kulan ay Arbacadii ku yeesheen magaalada Hargeysa Wasaaradaha Deegaanka, Caafimaadka iyo Wershadaha ee Xukuumadda Somaliland iyo Masuuliyiinta Wershadda Hargaha, ayey iskula qaateen go’aanno wax lagag qabanaya Cabashada dami wayday ee sannadaha badan ka soo yeedhaysay dadweynaha ku dhaqan degmada Laas-geel.

Warbixinta Warkaas oo dhammaystiran iyo nuxurka go’aannada ay wada-jirka u soo saareen Wasaaradaha kala duwan iyo Madaxda Wershadda Hargeysa ee Dacar-budhuq, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.