Diyaaradaha waawayn ee Daallo iyo Jubba oo Duullimaadyadii dib uga bilaabmay Muqdisho – Warbixin

DIYAARADAHA DAALLO IYO JUBBA OO BILAABAY DUULLIMAADKOODA MUQDISHO

Muqdisho(Aftahannews):- Diyaaradaha waawayn ee Shirkadaha Midoobay ee Daallo Airlines iyo Jubba Airways, ayaa si rasmi ah u bilaabay duullimaadiyadii ay ugu kala gooshi jireen Soomaaliya iyo dunida kale, isla markaana Garoonka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, ayey markii labaad Arbacadii Maanta soo cago-dhigatay mid ka mid ah Diyaaradaha waawayn ee Shirkadahaasi.

DIYAARADAHA DAALLO IYO JUBBA OO BILAABAY DUULLIMAADKOODA MUQDISHO
DIYAARADAHA DAALLO & JUBBA oo dib u bilaabay duullimaadkooda Muqdisho

Shirkadaha Jubba iyo Daallo, ayaa duullimaadyadii Diyaaradohoodu ku tegi jireen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho joojiyey markii 2-dii bishan Febraayo 2016-ka la Qarxiyey Diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo oo ka kacday Madaarka Muqdisho oo labaatan daqiiqo ka dib Duuliyihii Diyaaraddu ku guulaystay inuu dib u soo fadhiisiyo Aadan-Cadde Airport, ka dib markii Ruux sitay Kumputerka gacanta oo miinaysnaa gudaha Diyaaradda oo 20 daqiiqo hawada ku jirtay ka dhex-qarxay, isla markaana qofkaas oo Meyd ahina kaga dhacay duleedka degmada Balcad.

Kooxda Al-shabaab, ayaa shaaca ka qaadday Sabtidii maanta inay ka dambeeyeen Qaraxaas ka dhex-dhacay Diyaaradda ay lahaydShirkadda DAALLO Airlines 02-dii bishan. Daweladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay dad labaatan Ruux ka badan oo ay Shaqaale dawladeed oo Garoonka Diyaaradaha ka hawlgalayey ku jiraan, kuwaasoo ay Hay’adaha ammaanku baadhitaan ku hayeen.

Masuul u hadlay Shirkadaha Diyaaradaha ee Daallo iyo Jubba, ayaa Saxaafadda uga warramay qaabka ay dib ugu bilaabeen duullimaadyadii Diyaaradaha, isla markaana waxa uu sheegay in Maalintii labaad ay diyaaraddani soo fadhiisatay oo ay Safar ka qaadday Muqdisho, ka dib markii la sugay Ammaanka Madaarka oo halkii ay Shaqaalaha Nabadgelyada ee Garoonku ka qaabbilsanaayeen baadhitaanka dadka halkaas ka dhoofaya iyo agabkooda, ay haatan Shirkado ahaan soo kordhiyeen Shaqaale Amniga qaabbilsan oo mar labaad baadhitaan ku sameeya Rakaabka iyo agabka ay sitaan si loo hubiyo wax dhib sababaya oo ka soo gudbay dhinaca Amniga Madaarka.

Waxaannu Warbixinta Warkan oo dhammaystiran oo ay ka hadlayaan Maamulka Shirkadaha iyo Duuliyaha Diyaaraddan-ba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.