Cirro oo ka warramay waxay ka wadahadleen Wefti ka socda Midawga Yurub oo Somaliland u jooga qiimayn

GUDDOOMIYE CABDIRAMAAN-CIRRO

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sharraxaad ka bixiyey kulan gaar ah oo uu kula yeeshay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa Wefti ka socda Midawga Yurub.

GUDDOOMIYE CABDIRAMAAN-CIRRO
GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA SOMALILAND CABDIRAMAAN-CIRRO

Cabdiraaxmaan-Cirro, waxa uu sheegay in ujeeddada Weftiga ka socda Midawga Yurub ee Somaliland ku sugan wakhtigan u yimaaddeen, waxaanu sheegay in loo soo diray inay qiimayn ku sameeyaan habka ay u qabsoomi doonto sida la qorsheeyey doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo markay ka dib dhacday sannadkii hore dib loogu dhigay in la qabto bisha 28-ka Bisha March 2017-ka iyo sida loogu diyaar-garoobayo.

Waxa kale oo uu Cabdiraxmaan-Cirro ka warramay arrimo kale oo uu kaga jawaabay su’aalo kala duwan oo laga weydiiyey, waxaanannu Warbixinta Warka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.