Jimciyatul Axbaab oo Bulshada ugu Baaqday ka qaybgalka Xuska Siyaarada Jimce Barkhadlaha

JIMCIYATUL AXBAAB

Hargeysa(Aftahannews):- Jimciyadda Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabbinta Xusaska Diiniga ah ee (Jimciyatul Axbaab), ayaa guud ahaan ummadda Islaamka meel kastoo ay joogaan ku baraarujineysa Xuska Jimce Barkhadlaha oo ku beegan Jimcaha habeen-dambe.

JIMCIYATUL AXBAAB
JIMCIYATUL AXBAAB

Sidaasina waxaa lagu sheegay War-Saxaafadeed ay Jimciyaddu Soo Saartey oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Maxamed Sayid Cabdillaahi, kaasoo Nuqul ka mid ahi Caawa soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Jimciyadda Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabbinta Xafladaha & Xusaska Diiniga (Jimciyatul Axbaab) oo ah Jimciyad Islaamiya oo ka shaqaysa Arimaha Khayrka leh, taasoo Xarunteeda guudna ay tahay Magaalada Hargeysa, waxay si xushmad leh Bulshoweynta Somaliland iyo guud ahaan Ummadda Islaamka Meel ay joogtaba ku baraarujinaysaa, isla markaana ku Hambalyeynaysaa Xuska Siyaarada Jimce Barkhad-laha oo immika fooda innagu soo haya.

Kaasoo ku beegan Jimcahan Hada Fooda inagu soo haya ee  taariikhdu tahay 17/5/1437  oo waafaqsan 26/2/2016. Haddaba, Jimciyatul Axbaab waxay usoo jeedinaysa Dadwenaha inay udiyaar-garoobaan isla markaana ay weyneeyaan Xaflada Xuska Siyaarada Sheekheeni weynaa ee Sh.Yuusuf Kowneyn Awbarkhadle , kaasoo looga baahan yahay inay weyneeyaan Xaflada Xuska Siyaarada Jimce Barkhadlaha oo ku aadan jimcahan fooda inagu soo haya. Alaam Mahad leh.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.