Tirada Dad ku Geeriyooday Iska hor-imaad ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta K-Galbeed

MAGAALADA BAYDHABO
Baydhabo(Aftahannes):-  Ugu yaraan Saddex qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyoodeen, afar kalena ku dhaawacmeen is-rasaaseyn Arbacadii Maanta ka dhacday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ee xarunta Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya.
MAGAALADA BAYDHABO
MAGAALADA BAYDHABO

Is-rasaaseynta oo dhex martay Ciidammo ka wada tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa dadka ku geeriyooday waxa ay laba ka mid ah ahaayeen shacab, ayada oo sidoo kale saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ay ahaayeen Shacab.

Is-rasaaseynta ayaa timid sida la sheegay markii ay ciidamada is-maandhaafeen, inkasta oo aan weli la ogeyn sababta rasmiga ah ee labada ciidan iska horkeentay.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa gaaray goobta iska horimaadka uu ka dhacay, ayaga oo kala dhex galay labada dhinac, waxaana socda baaritaan ku saabsan sababta keenta iska horimaadka.

Xigasho VOASomali.com.