Madaxtooyadda Somaliland Shaqadii ka joojisay sarkaal ka tirsan Hayada Sirdoonka iyo Sababta keentay shaqo joojinta

Hargeysa, Somaliland – Sarkaal ka tirsan hayada sirdonka Somaliland ayaa la sheegay in ay xukumadda Axmed Silaanyo shaqaadi ka joojisay ka dib marki sababo la xidhidha xisbiga mucaaridka ah ee Wadani.

Amarka shaqo joojinta sarkaalkan ayan sii rasmi ah xukumadda Somaliland iyo agaasimaha guud ee hayada sirdoonka, hase yeeshee ilo xogo ogaal ah ayaa sheegaya sababta eritaanka sarkalkan oo xaaskisu hoyadeed oo ah la taliyaha arrimaha dibada gudomiyaha xisbiga Wadani marwo Faadumo Sicid Ibraahim oo hore khilaaf kala soo dhax galay marwada madaxweynaha marwo Amina-Weris Sheikh Maxamed iyo haweenay kale ka tirsan xukumadda Somaliland.

Waxa kalo uu warku inta ku daraya in hayad ajaanabi ah oo la shaqeysa hayada sirdoonka Somaliland ayaa la sheegaya in ay walaac xogaan ka muujiyeen falkan islamarkana kulamo albaabadu uu xidhan tahay la yeehsay masuuliyinta uu qaabilsan xukumada iyo madaxtoyada Somaliland iyadu sida aanu warka ku helayno ujeedada kulanku uu daran yahay sarkalkan shaqada laga joojiye iyo cabashooyin hore ay masuuliyinta hayadasi uu qaabilsan ama dalka uu joga uu gudbiyeen, hadanase ila hadda wax naatijo ka soo baxay kulankaas aanu jirin.