Daawo Hooyo Wiilkeed Booliska Hargeysa Toogasho ku dileen oo iyadana Maanta la Rasaaseeyey

Hargeysa(Aftahannews):- Khadra Daahir Cabdillaahi oo ah Hooyada dhashay Wiil uu Askari ka tirsan Saldhigga Booliska Degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa toogasho badheedh ah ku dilay 19-ka bishii January ee sannadkan 2016, ayaa qaar ka tirsan Askarta Saldhiggaas ku eedaysay inay Maanta oo ay 23 tahay bisha labaad ee 2016-ka Rasaas ku fureen iyada iyo Ardayda Iskuulka Xaafaddaas oo ay Maamule Ku-xigeen ka tahay Hooyo Khadra.

Waxay Hooyo Khadra Daahir Cabdillaahi, sheegtay in tan iyo markii Wiilkooda la dilay 19-kii bishii hore lagu hayey dhibaato badan oo habeen iyo maalin walba Gurigooda ay Askar badan dawladdu keento si ay dhaqdhaqaaqooda ula socdaan, isla markaana Maanta ay Askarta Rasaasta ku furay ugu tageen Iskuulka oo ay damacsanaayeen inay ka kexeeyaan halkaas si ay Hooyadan geeriyeysan u xidhaan.

Hase-yeeshee, Rasaastaas markii lagu furay Ardayda iyo Maamule Ku-xigeenka Dugsiga Degmada Maxamed Mooge, waxaa halkaas tegay Masuuliyiinta Degmada iyo Odayaasha oo hawshaas waxa keenay weydiiyey Taliyaha Qaybta Degmada Maxamed Mooge.

Hooyo Khadra Daahir Cabdillaahi oo ka warramaysa waxa haystay tan iyo markii Wiilkeeda toogashada lagu dilay iyo sida ay Maanta wax uga dhaceen Goobta ay Askartu ugu yimaaddeen ee ay iyada iyo Ardayda ku rasaaseeyeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.