Daawo Jaamacadda Hargeysa oo la ballaadhinayo iyo Madaxweyne Ku-xigeenka oo ka hadlay

Hargeysa(Aftahannews):- Jaamacadda Hargeisa University oo ku taalla magaalada Hargeysa, ayaa lagu bilaabay ballaadhin lagu kordhiyo Fasallo dheeraad ah, kuwaasoo la sheegay inay keentay baahi la xidhiidha tirada Ardayda Jaamacadda wax ka barata oo sannad-ba sannadka ka dambeeya sii kordhaysa.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cllaahi-dheere), ayaa dhagax-dhigay dhismayaasha cusub ee lagu kordhinay Jaamacadda Hargeysa.

Warbixinta Warka Hadallada ay Madaxweyne Ku-xigeenka, Wasiirka Waxbarashada, Maamulka iyo Masuuliyiinta Jaamacadda Hargeysa ka jeediyeen dhagax-dhiggaas, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.