Somaliland Oo Sheegtay inay markeeda ka baxayso wadahadalka Soomaaliya ee dib u dhacay

“Horta, qolada Soomaaliya waxay dalbadeen inaannu sugno illaa 15 ka bisha, laakiin annagu maalintaa hawlo kale ayaannu leenahay oo ma haleelayno…..Meesha waxa wadahadlaya Somaliland iyo Soomaaliya ee Xisbiyo iyo Ururro ma dhex-marayo wadahadalku…” Waraysi Gaar Ah Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inaanay wakhti u hayn maalinta ay codsatay Soomaaliya inay dib u furmaan wadahadallada labada dhinac wada-yeelanan lahaayeen Salaasada toddobaadkan oo shalay markii saddexaad dib u dhac ku yimi, kaasoo baajiyey Safar ay Ergada Somaliland Axaddii shalay ugu ambabixi lahaayeen Turkiga oo wadahadalka Martigelinaya.

1502033_632266723499774_1156488680_n

WASIIR-BIIXI

Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo xalay Waraysi gaar ah Khadka taleefanka uu kula yeeshay Weriye Faysal Xiis Weerar (Afgaab) oo ka tirsan Wargeyska Somalilandtoday, ayaa tilmaamay inay Soomaaliya isla qaateen in dib loo dhigo waadahadallada labada dal ka dib markii uu codsi ka yimi dhanka dawladda Muqdisho sida uu sheegay. Waxaanu intaa ku daray inay waadahaallada cidda ka qaybgelaysaa ay tahay Golayaasha Qaranka, diyaarna u yihiin Mucaaridka iyo cid kasta oo talo wanaagsan haysa inay ka qaataan, hase ahaatee, shirku uu dhex-marayo oo keliya laba dawladood, cidda keliya ee ka qaybgelaysaana ay tahay Baarlamaanka, Guurtida iyo Xukuumadda, saddexdaas oo dadka metelaya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka jawaabayay sababta ay wadahadalladu dib ugu dhaceen, waxa uu yidhi; “Horta, wadahadallada waxaa noo qorshaysnayd inay Salaasada  bilaabmaan, laakiin markii aannu diyaar-garawnay, waxaa xalay (Habeen hore) soo hadlay qolada Soomaaliya oo naga codsaday in dib loogu dhigo illaa 15-ka bisha annaguna waannu ka aqballay markii ay duruufo dhankooda ka jira noo sheegteen. Laakiin, waadahadallada dib-u-dhac ayuun-baa ku yimi ee way soconayaan, waxaanay ku cudur-daarteen in Xukuumaddii la dhisayo oo aannu sugno inta Wasiirrada la magacaabayo oo dib-u-dhac kaga yimi siday filayeen.”

Wasiir Maxamed Biixi Soonis oo la weydiiyay inay dhanka Somaliland diyaar u yihiin 15 ka bisha inay wadahadalada ka qayggalaan, ayaa ku jawaabay; “Horta, qolada Soomaaliya waxay dalbadeen inaannu sugno illaa 15 ka bisha, laakiin annagu maalintaa hawlo kale ayaannu leenahay oo ma haleelayno. Markaa, annaguna waxaannu u sheegi doonnaa uun markaannu jaanis u leenahay, xilliga aannu wakhti u helno ayaanannu tegaynaa (wadahadal-ka.”

Mar uu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ka jawaabayey su’aal la weydiiyey in marka horeba ay dhankooda uun ku degdegayeen oo ay wadahadalka doonayeen inay la yeeshaan Wasiirro Xukuumaddoodiba dhacday, taasina ay sababtay inay Soomaaliya dib u dhigto wadahadalka, waxa uu ku jawaabay; “Horta, dhankooda ayay wax dib uga dheceen oo markii hore moodayay inay wax u dhammaanayaan oo ay inta Salaasada ka horraysa Wasiirradooda soo magacaabanayaan. Laakiin, taasi may dhicin, immikana annagu maalinta ay qabsadeen hawlo kale ayaannu leenahay oo qorshaha noogu jira, waanan war-gelin doonnaa maalinta aannu wakhti u helayno kulanka wadahadallada. Laakiin, taa macneheedu maaha in wadahadalladi ay joogsadeen ee way noo soconayaan, waxaanan wadahadalnay oo ila soo xidhiidhay Cabdixakiin (Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya) oo qolada Soomaaliya metalaya  dhanka Somaliland-na aniga ayaa masuul uga ah. Markaa, wuxuu igu soo war-geliyay in xaggooda wax qabyo ka yihiin, waanan ka aqbalnay, Annaguna dib ayaannu uga sheegi doonnaa maalinta aannu diyaarka nahay.”

Wasiir Maxamed Biixi oo la weydiiyay sida ay wax uga jiraan dhalliisha Xisbiyada Mucaaridku u soo jeediyeen ee ah inay Xukuumaddu keligood isku koobtay talada wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo lagaga hadlayo masiir ummadeed iyo inay immika ku soo darayaan Xisbiyada Mucaaridka ah wadahadalka maaddaama waqti ay haystaan, waxa uu yidhi; “Wadahadalladu waxay dhex-marayaan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, wax Xisbiyo ama ururro dhex-maraya maaha. Markaa, waxaa Somaliland wadahadallada uga qaybgelaya Golayaasha Qaranka oo ay ka mid yihiin Guurtida,Wakiillada iyo Xukuumadda, Xisbiyada iyo cid kasta oo Muwaaddin ah oo talo wanaagsan noo soo jeedisana waxay nagu biiriyaan waannu ka qaadanaynaa. Laakiin, Xisbiyadu kama qaybgalayaan wadahadalada.”

Xigasho Wargeyska Somalilandtoday.