Cali-Guray oo Saadaaliyey in Musharrax Kijaandhe ka guulaysan karo labada ilma Biixi iyo Sameele

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa sheegay inaan la yaraysan karin Musharraxnimada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo Axaddii si rasmi ah u shaaciyey inuu u u taagan yahay Jagada Madaxweynaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo Shirkiisa Golaha dhexe ee Musharrixiinta lagu kala reebayo la qabanayo tobanka bisha soo socta ee November 2015-ka.

CALI-GURAY

MUSHARRIXIINTA JAGADA MADAXWEYNAHA EE XISBIGA KULMIYE AFTAHANNEWS SAWIRKEEDA

Guddoomiye Cali-Guray, ayaa ku dooday inuu rumaysan yahay inuu Xildhibaan Kijaandhe ka dhex faa’iidaysan karo Musharrixiinta loolamaya oo aan iyagu isku tanaasulayn, isla markaana aan weli ku kala guulaysan taageerada Beeshooda. “Wax walba ka yaab! Dr. Kijaandhe musqaro maaha. Kuwa ugu rejeda fiican in uu ka mid yahay ayaan rumaysanahay.” Sidaa ayuu yidhi Cali-Guray oo Qoraalkan ku baahiyey Ciwaanka uu ku leeyahay Bar-kulanka Bulshada ee Facebook.

Waxa uu Cali-Guray oo sii waday qoraalka uu ku falanqeeyey Loollanka Musharrixiinta Jagada Madaxweynaha u taagan ee Xisbiga KULMIYE, waxa uu yidhi; “Intay saddexdan (Muuse Biixi, Maxamed Biixi iyo Samaale) isku mashquulasan yihiin way dhici kartaa marka khaati laga joogsado inuu noqdo ka keliya ee la isugu tagi karo mar haddii aannu Odaygu kala furan karayn oo aanu lahayn kulligiinba jooga aniga ayaa taagane. Gaar ahaan saddexda ilma Adeerka ah inay isu tanaasulaan waxa ka dhaw inay u tanaasulaan Dr. Axmed Kijaandhe, balse lagama yaabo inay iyagu isu tanaasulaan.”

Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), waxa uu intaas ku daray oo uu ku yidhi Qoraalkiisa; “Reeraha waawayn ee kale laftooda waxa jira sababo kala duwan oo ay Kijaandhe ku taageeri karaan siiba Garxajis, Dhulbahante, Warsangeli iyo Ciise. Markaa, Habar-Awal, Habarjeclo, iyo Gadabuursi ma ka heli karaa taageero Xubnaha kaga jira Golaha Dhexe ee Kulmiye? Shakhsi ahaan waxan is leeyahay ku qadi maayo mar haddii aanu jirin Musharrax kale oy ku midaysan yihiin. Markaa, Saaxiibkay Kijaandhe dab yar ma shidayo.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.comm

Hargeysa/Somaliland.