Xubno Xisbiga WADDANI ka tirsan oo Imtixaamay Qalabka diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Xubno ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa imtixaamay qalabka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, ka dib markii ay Guddia doorashooyinka Qaranku shalay magaalada Hargeysa ka bilaabay diiwaangelin tijaabo ah, taasi oo lagu hubinayo habka qalabka diwaangelinta cod-bixiyayaasha lagu galayaa u shaqeynayo, si loogu kalsoonaado natiijada uu soo saari doono.

20150909_113140

Diiwaangelinta tijaabada ah oo Guddiga doorashooyinka Qaranku ka bilaabay xarunta Hay’adda Qandaraasyada Qaranka, ayaa waxa lagu diiwaangelinayey dad ka kala socday Xisbiyada Qaranka, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Dadweyne kale, kuwaasoo Guddiga doorashooyinku soo xuleen. Diiwaangelinta tijaabada ah, ayaa daba socoto saddex diiwaangelinood oo hore Guddigaas ugu sameeyeen xaruntooda Hargeysa, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo Saxaafadda kula hadlay xarunta Hay’adda Qandaraasyada Qaranka ee diiwaangelintan tijaabada ahi ka bilaabantay, ayaa sheegay inay soconayso muddo afar maalmood ah, isla markaana wejigeeda kale ku qaban doonaan gobolka Togdheer.

Guddoomiyaha oo arrimahaas faahfaahinayaa waxa uu yidhi; “Maanta (shalay) waxaannu tijaabinaynaa qalabka lagu galayo diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Somaliland, kaasoo aynu ku hawl-galeyno diiwaangelinta iyo doorashada soo socotaba. Qalabkani waa qalab casri ah oo adduunka ku cusub, waxaanu ku tijaabinay xarunta Komiishanka doorashooyinka Qaranka saddex jeer oo hore, dadka aannu ku tijaabinay waxay ahaayeen kuwo xul ah oo ka kala socday xisbiyada, Ururrada bulshada iyo shaqaalaha komiishanka, maantana (shalay) waxaannu gaadhnay xilligii aannu qalabka dibedda u soo saari lahayn waxaanannu qalabka keennay xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka, halkaasoo aannu ku qabaneyno tijaabadii afraad.”

“Tijaabadan oo soconaysa muddo afar maalmood ah, waxa ka qayb-galaya dad ka socda Ururrada Bulshada, Xisbiyada iyo dad kale….” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinku, waxaanu intaas raaciyey; “Tijaabadan wuxuu Komiishanku u doortay gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex, Maroodi-jeex maanta (shalay) ayuu ka bilaabmay, waxaana halkan (Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka) lagu diiwaangelin doonaa kun qof ama laba kun oo indhood.”

Guddoomiyuhu wuxuu dadweynaha ku wacyi-galiyey in aanay ku celcelin diiwaangelinta, inkasta oo uu xusay in qalabkani awood u leeyahay inuu garto qofkii mar hore is-diwaangeliyey, waxaanu yidhi; “Diiwaangelintan waxaannu dadweynaha ku wacyi-gelinaynaa inaan lagu celcelin kareynin sidii hore u dhacday, waayo? Tan qofka is yidhaahda ku noqnoqo wuxuu muteysanayaa ganaax iyo ciqaab, Baarlamaankuna waa kuwii Xeer ka soo saaray, qalabkana waa qalab qabanaya qofka is yidhaahda ku noqdo, haddaad Hargeysa ka gasho iyo haddaad goob kale ka gashaba…Waxaannu awood u leeyahay inuu shan il-bidhiqsi gudahood ku ogaado qofka mar hore is-diiwaangeliyey.”

Cabdiqaadir Iimaan waxa uu sidoo kale sheegay in sidan oo kale diiwaangelin tijaabo ah laga samayn doono saddex goobood oo gobolka Togdheer ah, taasoo haddii Allaah raalli ka noqdo bilaabmi doonta Sabtida toddobaadka foodda innagu soo haya, Guddoomiyaha oo ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Diiwaangelintan tijaabada ahi Sabtida ayay ka bilaabmaysaa saddex goobood oo gobolka Togdheer ah, saddexdaa gooboodna waxay kala yihiin Jaamacadda Burco dhexdeeda, degmada Xaaxi iyo Balli-calanle, labadaa meeloodba waxaannu u doorannay meelo miyi ah, waayo? Qalabkan waxaannu ku tijaabinaynaa miyi iyo magaalaba, si aannu u eegno sida uu ula shaqeynayo cimiladeenna.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay inay ugu talo-galeen in diwaangelinta halkii qofba aanay ka badan 5 ilaa 7 daqiiqo. “Qofku hadduu is yidhaahdo mar labaad is-diwaangeli shan il-bidhiqsi ayaa koombuutarka gudihiisa lagu ogaanayaa inuu hore isku diwaangeliyey iyo in kale…” ayuu yidhi, oo uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

Geesta kale, Laba Haween ah oo ka socday Xisbiga WADDANI, isla markaana ka mid ahaa min 7 xubnood oo ka kala socday Xisbiyada Qaranka, ayaa waxay si gaar ah u sameeyeen tijaabo ah in qalabka diiwaangelintu aanu qaban karin dadka dhawrka jeer is-diiwaangeliya iyo inuu qaban karo, waxaanay mid waliba gaarkeeda isugu deyday inay mar labaad is-diiwaangeliso, ka dib markii ay si xirfadeysan ugu noqdeen goobtii laga diiwaangeliyey, laakiin qalabka diiwaanelinta, ayaa ku guuleystay oo markiiba ogaaday inay hore isu diiwaangaliyeen.

Faadumo Aaden Cawad oo ah Xoghayaha Abaabulka gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI iyo Caasha Maxamed Dage oo Xisbigaas ka tirsan, ayaa Wargeyska HIMILO uga warramay ujeeddada ay ka lahaayeen inay laba jeer ku noqdaan diiwaangelintan tijaabada ah, waxaanay sheegeen inay doonayeen inay ogaadaan xaqiiqada tijaabada uu Komiishanku ku wado qalabkan. “Tibaabadan annaga ayaa si iskayo ah u samaynay, waxaanuna ogaanay ka xisbi ahaan in komiishanku si sax ah u shaqeynayo, si sax ahna waxbaa la noo tusay imika, haddaan xukuumaddu ka daba imanin oo aanay wax kale ku soo kordhinin….” Sidaa waxa tidhi, Caasha Maxamed.

Sidoo kale, Xoghayaha Abaabulka Maroodi-jeex ee WADDANI Faadumo Aaden Cawad, ayaa iyaduna tidhi “Markii Komiishanku naga dhamaystay hawshii uu naga doonayey, ayaa aniga iyo Caasha aanu go’aansanay in labadii xafiis ee markii hore la nagu diwaaneliyey kala beddello, si aanu u ogaano in qalabka diwaangelintu yahay mid wax qabanaya oo hadhow lagu kala bixi karo, markaa qoladii diwaangelintu markii qalabku na qabtey way argagaxeen waxayna yidhaahdeen maxaa idinku kalifay, waxaanuna ku nidhi waxaanu ka soconaa xisbiga WADDANI, waxaanuna jeclaanay inaanu tijaabinno oo aanu kala ogaano RUN Iyo BEEN wuxuu yahay waxan aad waddaan oo aanu xisbigayada kula noqonno…”

Faadumo oo sii hadlaysaa waxay sheegtay oo ay intaas ku ladhay; “Guddoomiyaha Komiishanka ayaa la noogu yeedhay, dabadeedna wuu na wareystay wayna ku farxeen (Tijaabada aanu samaynay), annaguna sidaas ayaanu kaga war-bixin doonaa iyo in qalabku yahay wax xaqa oo lagu kala baxayo….”

aftahanninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.