Wasiirka Beeraha Somaliland oo ka Warbixiyey ujeeddada Safar uu ugu maqnaa dalka dibeddiisa

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland  Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dalka ku soo laabtay, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda beeraha oo uu horkacayey agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdilaahi Ismaaciil Faarax.

???????????????????????????????

Wasiirka, ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, waxa Saxaafadda kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka, waxaanu ka warbixiyey hawlaha u qabsoomay wakhtigii uu hawlaha shaqo ku maqnaa iyo shirarka uu ka soo qayb galay intii uu ka maqnaa wadanka.

Waxa uu Wasiirku sheegay in safarka uu ku maqnaa ay ujeeddadiisu ahayd Munaasibadda Xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18 May oo uu kaga qayb galay dalka Norway iyo Xarun cilmi baadhiseed oo ka shaqaysa Culuumta Beeraha oo kula kulmay dalkaasi Norway.

Wasiirka Beeraha oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi; “Waxaan halkan ka baxay si aan uga qayb galo Xuska maalinta Qarannimada Somaliland oo aan kaga qayb galayey munaasibad lagu qabanayey dalkaasi Norway.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi; “Markii ay munaasibadaasi naga dhamaatay waxa aan uga sii gudbay hawl shaqo oo kale oo ku sabsan beeraha, iyada oo aan dalkaasi kulmay xarun Cilmi Baadhiseed oo Beeraha ka shaqaysa wixii aanu isla af garanayna dhawaan soo bixi doono.”

Wasiirka beeraha ayaa ka mid ahaa masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo ka qayb galay manaasibado lagu xusayey maalinta qarannimada Somaliland oo lagu qabanayey wadamo dibada ah, isaga oo sidoo kale safar shaqo ku soo maray wadamo kale oo Ingiriisku ka mid yahay.

Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Somaliland

Sacad Muuse Cabdi

Hargeysa/Somaliland.