Daawo Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku-xigeen Saylici oo Dabbaal isugu awood sheegtay! Daawasho Wacan

Berbera(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa mid weliba ku dabbaashay Badda Berbera iyo Lughaya ee gobollada Saaxil iyo Selel, waxaanu mid kastaa muujiyey Xirfaddiisa Dabbaasha iyo heerka uu ka gaadhsiisan yahay, iyagoo ay weheliyeen Masuuliyiin kala duwan oo Xukuumaddooda ka tirsan.

Waxay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenku Dabbaashan sameeyeen marar kala duwan oo ay ku safrayeen iyaga iyo Weftiyo ay kala hoggaaminayaan deegaannada Xeebta Somaliland, gaar ahaan Lughayaha iyo Berbera, iyagoo ku dabbaashay Badda labadaas magaalo.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Masuuliyiin la dabbaalanaysa iyo qaabka ay u dabbaalanayaan-ba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.