Ujeedka kulan kedis ah oo Garoon Diyaaradeed ku dhex-maray Madax -weynayaasha Soomaaliya & Kenya

Nairobi(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa xalay kulan muddo kooban socday ku wada yeeshay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

kulan garoon diyaaradeed ku dhex-maray Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya

Kulankan ayaa yimi ka dib markii Xasan Sheekh iyo Kenyatta ay Safarro uga soo Kala laabteen dalalka Nigeria iyo Tanzania, iyagoo kulankooda uga hadlay xaaladda labada dal iyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab oo labada dalba weerarro ka geysata.

“Waxaan xalay si lama filaana ugu kulannay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta Xasan Sheekh Maxamuud, Anigoo kasoo baxay shir lagaga hadlayay xaaladaha ka taagan Burundi oo ka dhacay dalka Tanzania.” ayuu yidhi Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in qodobbadii ay muddada kooban kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay isku af-garteen, waxaanu xusay inuu ku kalsoon yahay in labada dal ay iska kaashanayaan ka hortagga kooxaha Argagaxisada ah.”

Inkastoo Madaxweynaha Soomaaliya aanu weli ka hadal Kulanka uu Kenyatta kula qaatay xalay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Nairobi, ayaa haddana wuxuu kasoo laabtay dalka Nigeria oo uu kaga qaybgalay caleemo-saarkii Madaxweynaha cusub ee dalkaas Muhammadu Buhari.

Labada Madaxweyne, ayaa waxa kulankooda ku wehliyay Wasiirrada arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cumar Hadliye iyo tan Kenya Aamino Maxamed, waxaana kulankani uu kusoo beegmaya iyadoo Kenya shalay loogaga dabbaal-degayo Xuska Madaarka.

Kulankan, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta ku yeesheen Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, balse dhawr jeer oo hore ayay labada Madaxweyne kulammo ku yeesheen dalka Kenya.

Kulanka ay labada Madaxweyne yeesheen, ayaa imaanaya iyadoo ay dawladda Kenya hore u shaacisay inay derbi ka dhisayso xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya, taasoo uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay mid aan waxba ka tari doonin weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha waddankaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.