Dawladda Federaalka oo Shaacisay inay Markab kuwa Xamuulka ah u dirayso Soomaalida ku xayiran Yemen

Muqdisho(Aftahannews):- Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay Axaddii Maanta inay Markab weyn oo kuwa xamuulka ah u dirayso dalka Yemen, kaasoo ay sheegtay inuu soo qaadi doono kumannaan dad Soomaaliyeed ah oo qaxoonti ku ah waddanka Yemen ee dagaallada Sokooye ka socdaan, waxaanay dawladdu Bulshada iyo Hay’adaha caalamiga ah-ba ugu baaqday inay caawiyaan Soomaalida ka soo qaxaysa Yemen, kana qayb-qaataan sidii loo soo samato-bixin lahaa dadkaas.

MARKAB SOOMAALIYA U DIRAYSO DADKEEDA YEMEN KU XAYIRAN

Wasiirrada Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadamaha iyo Haweenka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Masuuliyiin kale iyo Guddiga badbaadinta Qaxoontiga Soomaaliyeed ee Yemen ka imanaya, ayaa Kormeeray Markabka Yemen loo dirayo oo ku soo xidhay Dekedda magaalada Buqdisho, Markabkaas oo uu ku deeqay Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Cali Faarax.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Axmed Xayir (Maareeye), ayaa sheegay in Markabkaasi markiiba soo qaadi doono illaa laba kun iyo saddex boqol oo qof, kuwaasoo uu soo gaadhsiin doono Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, waxaanu u soo jeediyey Siyaasiyiinta iyo Shacabka in dedaal la sameeyo, isla markaana loo gurmado oo loo midoobo sidii wax loogu qaban lahaa dadka Soomaaliyeed ee laga soo daabulayo dalka dagaalladu ka socdaan ee Yemen.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadamaha ee Xukuumadda Soomaaliya Sahra Maxamed Cali Samatar, ayaa sheegtay in tallaabadani tahay mid lagu farxo, iyadoo soo jeedisay inay dadka Soomaaliyeed ee dagaalladu ku haleeleen waddanka Yemen taageeriddooda in laga wada qayb-qaato, waxaanay ku tilmaantay caawimada dadkaas mid waajib ku ah qof kasta oo Soomaaliyeed oo gacan u fidin kara.

Wsrbixinta Warkaas oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo Wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.