Madaxweynaha Somaliland oo Booqday Qaxoontiga Berbera ku sugan ee ka soo qaxay dalka Yemen

Berbera(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Axaddii maanta booqday goobaha ay ku nool yihiin dadka qaxoontiga ah ee ka soo qaxay waddanka dagaallada sokeeye ka socdaan ee Yemen, kuwaasoo ku sugnaa goobo lagu dejiyo oo ku yaalla magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo uu Madaxweynaha iyo Wefti uu hoggaaminayaa hawlo shaqo u joogeen illaa gelinkii dambe ee shalay.

SIILAANYO OO BOOQDAY QAXOONTIGA BERBERA

Dadkan Qaxoontiga ah ee Yemen ka soo qaxay ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku booqday Kaamka koowaad ee loogu talogalay in lagu nasiyo marka ay Qaxoontigu soo gaadhaan Dekedda magaalada Berbera oo lagu qaabbilo, ayaa isugu jira dad u dhashay Soomaaliya, Somaliland, Yemen iyo Itoobiya, kuwaasoo toddobaadyadii u dambeeyey soo gaadhay Berbera.

Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo dadkaas salaamay, isla markaana gacan-qaaday qaarkood, isagoo kor u qaaday dhallaanka ay siteen Hooyooyinka Qaxoontiga ah ee Xeradaas ku sugnaa qaarkood. Waxaanu Madaxweynaha Somaliland sheegay inaanay Somaliland ahaan waxba ka hagran doonin dadka ka soo qaxay dagaallada Yemen oo ay waajib ku tahay dawlad ahaan inay u qabtaan, lana qabtaan waxa awood ahaan loo qaban karo iyo in qof kasta la gaadhsiiyo deegaanka uu doonayo inuu tego.

Booqashadan Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Axaddii maanta ugu tegay Qaxoontiga, ayaa timi laba maalmood ka dib markii ay Somaliland fadeexad iyo ceeb kala kulantay Dad Qaxoonti ah oo u dhashay waddanka Soomaaliya oo Yemen ka soo qaxay ay u diidday inay cagaha soo dhigaan Berbera, isla markaana lagu armay inaanay ka degi karin Markabka ay saarnaayeen ee Yemen ka soo qaaday, kaasoo dadkii la saarnaa oo isugu jiray dad u dhashay Somaliland, Yemen iyo Itoobiya ay dawladda Somaliland qaabbisay, isla markaana meel dejisay.

Somaliland, ayaa ku sababaysay go’aanka ay ugu diidday inay Soomaalidu soo cago-dhigtaan Berbera mid ku yimi laba arrimood oo la xidhiidha mid dhinaca ammaanka ah iyo inaanay u haynin dhaqaale ay ku qaabbisho Soomaalida Yemen ka soo qaxaysa, ka dib markii ay ku doodday inay Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee arrimaha qaxoontiga qaabbilsani ka gaabiyeen, isla markaana diideen inay wax gar-gaar iyo caawimo ah u fidiyaan dadkaas, iyaduna aanay dabooli karin baahida dhaqaale ee jirta darteed.

Hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland, ayaa Sabtidii shalay ka noqotay go’aankaas, ka dib markii ay kulammo yeesheen Hay’adaha Qaramada Midoobay ee qaxoontiga qaabbilsan iyo kuwo kale oo caalami ah, kuwaasoo ay Xukuumaddu sheegtay inay isla qaateen inay bixiyaan Kharashka gobollada Koonfurta iyo Badhtahama Soomaaliya lagu gaadhsiinayo dadkaas Yemen ka soo qaxay ee Soomaaliya u dhashay, isla markaana hadda wixii ka dambeeya ay si caadi ah oo la mid ah sida Qaxoontiga kale ay Somaliland u qaabbisho loo qaabbili doono Soomaalida ka soo cararaya dagaallada ka socda dalka Yemen.

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.