Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo furay Wejiga 2-aad ee Shirka lagu dhisayo Maamulka Gobollada dhexe ee Cadaado

Cadaado(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si rasmi ah u furay Axaddii Maanta Shirka lagaga tashanayo Maamul u samaynta gobollada Galguduud iyo Mudug wejigiisa labaad oo ka furay magaalada Cadaado.

RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA OO KA HADLAYA SHIRKA CADAADO aftahanSHIRKA WEJIGA LABAAD EE CADAADO

Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid oo isla maanta gaadhay Cadaado, waxa uu hoggaaminayey Wefti ka tirsan dawladda, waxaana si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee degmada Cadaado, halkaasoo ay ku qaabbileen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug, Madax-dhaqameed, Xildhibaanno dawladda ka tirsan, Masuuliyiinta Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo dadweyne kale.

Waxaa Raysal-wasaaraha iyo Weftigiisa soo dhawaynta ka dib loo gudbiyey dhinaca gudaha magaalada Cadaado, gaar ahaan Hoolka Shirku ka furmayey oo ay ku sii sugnaayeen Ergooyinka Shirka ka qaybgalayey intooda badan, kuwaasoo uu salaan ka dib, Raysal-wasaaruhu uga mahad-celiyey dul-qaad iyo dhabar-adayg uu sheegay inay muujiyeen muddada ay Shirkii wejiga koowaad illaa hadda oo kii labaad uu furayo ku sugnaa halkaas.

“Waxaa Farxad ii ah in aan furo wejigii labaad ee Shirka Maamulka loogu samaynayo gobollada dhexe ee Soomaaliya, Shirkani wuxuu qayb ka yahay dedaallada dawladdu ay ku xaqiijinayso Hiigsiga 2016-ka oo dalka lagaga dhisayo Maamullo.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo furitaankii shirkaa hadal ka jeediyey.

Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo sii watay waxa uu intaas ku laray oo yiri; “Wejiga labaad ee shirka waxaa lagu an-sixinayaa Axdiga Ku-meel-gaadhka ah oo uu yeelanayo Maamulka la dhisayo, waxaanan uga baaqayaa Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya iyo Guddiga farsamadu inay iska kaashaadaan sidii loo qancin lahaa dadka qaba cabashooyinka.”

Waxaa uu Raysal-wasaaraha Federaalka Soomaaliya u mahad-celiyey Masuuliyiinta dawladda Federaalka ah ee sida wayn uga qayb-qaatay hirgelinta iyo qabsoomidda shirkan iyo shirkii wejiga koowaad ee kan ka horreeyey oo isla Cadaado lagu qabtay, gaar ahaan Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya oo uu ku ammaanay doorka uu ka qaatay hirgelinta shirarkan iyo weliba dedaalka uu ugu jiro hirgelinta Maamul-goboleedyo ay dadka gobolladu ku midaysan yihiin.

Shirkan ayaa lagu wadaa in lagu soo dhisi doono Maamul-goboleedka ay ku bahoobayaan gobollada dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Galmudug iyo Galguduud, kaasoo marka Dastuurka uu yeelanayo ee ku-meel-gaadhka ah shirkan lagu ansixiyo la guda-geli doono soo dhisidda Maamulka cidda hoggaaminaysa oo Madaxweynuhu ugu horreeyo, kaasoo markaa magacaabi doona Wasiirro, sidoo kalena gadaal laga dooran doono Mudanayaasha Baarlamaanka uu yeelanayo Maamul-goboleedkaasi iyo dhammaan ama inta badan dhismaha Maamulkaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.